4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 30, 2013
Ururka Bisha Cas ee Dalka Turkiga oo markii ugu Horreysay Gargaar geysay Degmada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay


Talaado, July 30, 2013 (HOL) — Hay’adda bisha Cas ee dalka Turkiga ayaa deeq raashin ah gaarsiisay markii ugu horreysay Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, waxaana gargaarkas oo ay wadeen 10 baabuur oo kuwa xamuulka ah ay ka ambabaxeen magaalada Muqdisho iyagoo si nabad ah ku gaaray Baydhabo.

Gargaarkan oo ay galbinayeen ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Somalia ayaa waxaa mas’uuliyiin looga dhigay laba dhallinyaro ah oo lagu kala magacaabo, Siid Cali iyo Axmed Goon oo ay ehello dhow yihiin afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya Prof. Jawaari.

Mas’uuliyiintii maamulayay gargaarka oo ay ku jireen maamulka gobolka iyo kan degmada ayaa la sheegay inaan la gaarsiin dadkii loogu talogalay ee u baahnaa, balse xubnaha loo xilsaaray qaybtiisa uu mid walba siiyay dad ay ehello yihiin.

Wararka ayaa sheegaya in shan gaar ioo ka mid ah gargaarka la bixiyay, halka shanta kalena la sheegay in wadayaasha iyo milkiilayaasha gaadiidka keenay Baydhabo loo siinayo kiro ahaa, taasoo ka yaabisay dadka ku nool magaalada Baydhabo iyo dadkii halkaas u yimid in gargaarka la siiyo.

Raashinka gargaar ah oo isugu jiray sokor iyo bur ayaa waxaa qaarkiis kala qaatay mas’uuliyiinta degmada Baydhabo iyo kuwa gobolka Bay, iyadoo lagu arkayay goobaha raashinka lagu qaybiyay dad ladan oo si hoose loo siiyay lambarrada gargaarka lagu bixinayay.

Goobta lagu bixiyay raashinka gargaarka ah ayaa waxaa ku sugnaa dad aad u tabaaleysan oo ay macaluuli ka muuqatay isuguna jiray haween iyo caruur kuwaasoo aan helin gargaarka.

Hiiraan Online, Baydhabo