4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 30, 2013
Saraakiil Ciidamada AMISOM oo Booqday Iskuulka Cabdalla Deeroow Isaaq oo ku yaalla xarunta Gobolka Bay ee Baydhabo

Talaado, July 30, 2013 (HOL) — Saraakiil ka socoday ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa markii ugu horreysay booqdey iskuulka Cabdalla Deerow Isaaq ee ku yaalla Baydhabo, kaasoo ay wax-ka-bartaan arday gabdho keliya ah.

Saraakiisha AMISOM waxay ujeeddadoodu ahayd inay indho-indheyaan iskuulka si ay wax uga qabtaan, iyagoo balan-qaaday inay ka dhisi doonaan garoon ay ku ciyaaraan ardayda iyo ceel biyaha laga cabo, sidoo kale ay hagaajin doonaan musqulaha iskuulka.

Wasiiraddii hore ee haweenka dowladda Somalia, Aamino Maxamed Mursal oo qayb ka ahayd wafdiga AMISOM ayaa sheegtay in muhiimadda ay u tageen iskuulka ay ay tahay sidii dib u dhis loogu sameyn lahaa.

Maamulaha iskuulka, Maano Maxamed Nuur ayaa sheegtay inay ku faraxday booqashada saraakiisha AMISOM ka tirsan ay ku yimaadeen iskuulkaas oo ah mid dhisnaa muddo sannado ah, waxayna sheegtay in saraakiishani ay ballanqaadeen dayactir ay ku sameyn doonaan iskuulka Cabdalla Deerow.

Cabdalla Deeroow ayaa wuxuu ahaa guddoomiyhii baarlamaanka dowladdii Col. C/llaahi Yuusuf Axmed oo saldhiggeedu ahaa Baydhabo, waxaana lagu dilay agagaarka masaajidka weyn ee degmada Baydhabo.

Hiiraan Online, Baydhabo