4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 30, 2013
Dabley ka tirsan Ururka Al-shabaab oo wiil Dhallinyaro ah ku dilay duleedka Degmada Buulo-burte ee Gobolka Hiiraan

Talaado, July 30, 2013 (HOL) — Kooxo hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab ayaa ku dilay shalay subax duleedka degmada Buulo-burte ee gobolka Hiiraan wiil dhallinyaro ah oo lagu magacaabi jiray, Axmed Makaraan Cabdi Cawaale, kaasoo ka mid ahaa dhallinyarada ugu fir-fircoon gobolka Hiiraan.

Marxuumka ayaa horay ugu eedeeyay Al-shabaab inay dagaallo ka wadaan gudaha gobolka Hiiraan, ayna dhowr jeer isku dhaceen dhallinyaro gobolka kasoo jeedda, iyadoo loo maleynayo in hadalladaas loo dilay.

“Dhowr jeer ayay Al-shabaab fariimo u soo direen, kuwaasoo ay u dalbadeen inuu isa soo dhiibo, balse waa ka  madax adaygay, isagoo sheegay inuu la dagaalamay Al-shabaab uuna doonayn inuu u tago,” ayaa laga soo xiftay dad ay marxuumka aad isugu dhawaayeen.

Al-shabaab ayaa la sheegay in dhowr jaho ay kasoo weerareen halkii uu ku sugnaa maxuumka, dabadeedna ay halkaas ku toogteen, waxaana goobta lagu toogtay ayaa u dhexeysa degmooyinka Buulo-burte iyo Jalalaqsi waxayse ka tirsan yahay degmada Buulo-burte

“Axmed wuxuu iska difaacay kooxdii Al-shabaab ee ku weerartay gurigiisa si ay u dilaan, waxaana dhacay dagaal muddo socday, Axmed wuxuu diiday in uu is-dhiibo illaa ay  rasaastu ka dhammaanaysayna wuu dagaalamay, balse markii ay markii ay rasaastu ka dhammaatay ayuu isku dayay inuu baxsdo tasaoo keentay waxaana la eryay muddo saacad ka badan, ugu dambeynna way qabteen madaxa ayayna ka toogteen,” ayaa laga soo xigtay dadkii ay isku dhawaayeen Axmed.

Ilo wareedyadan ayaa sidoo kale sheegay in xoogaggii Al-shabaab ee dilka marxuumka geystay ay dhaawaceen macallinkii dugsiga ku haya deegaanka uu Axmed degenaa oo lagu magacaabo Maxamed Guure, sidoo kalena ay ku dhaawaceen isla goobta xaaskiisii marxuumka iyo curadkiisii oo wiil ahaa, sidoo kalena waxay kexeysteen xoolihii ay reerkaas lahaayeen, iyagoo kaga tagay goobta 12  caruur ah oo wax ay cunaan aan haysan.

Ugu dambeyn, ilo wareedyadu waxay sheegeen in dableyda Al-shabaab ka tirsan ee idlka Axmed Makaraan geystay ay ahaayeen dhowr ruux oo qaar ka mid ah magacyadoodu kala yihiin: Muumin Maxamed Afrax Suuleey, C/kariin Yuusuf Qaar-madoobe, Faarax Cali Raage Odwaa, Ina Cabdullaahi Dalab iyo kuwo oo aan magacyadooda la helin.

Xarakada Al-shabaab ayaa weli ka talisa deegaano badan oo ku yaalla gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya, inkastoo dowladda Soomaaliya iyo AMISOM ay qorsheynayaan inay goobahaas ka saaraan Al-shabaab.

Buulo-burte, Hiiraan Online