4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 3 , 2013
Milleteriga Masar oo xukunka dalkaas la wareegay, madaxweyne KMG ahna magacaabay

 Arbaco, July 03, 2013 (HOL)—Kaddib mudaharaadyo xiriir ahaa oo dhawaanahan ka socday magaalada Qaahira ee xarunta dalka Masar, gaar ahaan halkii looga mudaharaaday Madaxweynihii hore Maxamed Xusni Mubaarak ayaa waxay ugu dambeyntii keeneen in xukunka xoog looga wareejiyo madaxweynaha Masar Maxamed Musri oo xilli yar waddanka soo xukumayay.

 

Mileteriga dalka Masar ayaa xukunka kala wareegay Maxamed Musri kaddib markii uu diiday soo jeedin uga timid  Milleteriga oo ahayd in uu xukunka ka dego, uuna tixgeliyo cabashada iyo dalabka dadweynaha Masar ee ah in uu xukunka ka dego.

 

Maxamed Musri ayaa xukunka dalka Masar qabtay kaddib markii xisbigiisa Akhwaanul-Muslimiin uu ku guuleystay doorashadii dalka Masar kagadaal kacdoonkii shacabka dalka Masar ee ugu dambeyntii keenay in madaxweynihii hore Xusni Mubaarak xukunka awood shacbi looga dejiyay.

 

Maxamed Musri ayaa weli ku adkeysanaya in aysan sax ahayn in uu xukunka uga dego kacdoon iyo af-gembi sida uu yiri lagu sameeyay baraha internet-ka ee ay bulshada ku kulmaan (social media), wuxuuna sheegay in doorasho xaq ah uu xukunka ku qabtay.

 

Madaxa Cadaaladda dalka Masar Adly Mansuur ayaa si KMG ah loogu dhiibay xukunka dalka Masar, wuxuuna xukunka heyn doonaa illaa iyo inta laga soo dooranayo Madaxweyne kale oo la soo doorto, iyadoo xilkan KMG ah loo dhaarin doona Khamiista berri ah.

 

Haddaba Mustaqbalka dalka Masar iyo cidda bedeli doonta Maxamed Musri ee ku soo bixi doonta  doorashada dhici doonta ayaan la saadaalin karin, waxaase xilkaas isu raba Madaxii Hay’adda Atoomikada iyo Tamarta (IAEA) MAxamed Al-baraadiici oo ugu horreeya musharrixiinta mucaaradka ah ee dalka Masar.

 

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

[email protected]