4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 3 , 2013
Wakiilka Midowga Afrika ee Somalia oo Muqdisho kula kulmay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul Wasaare Saacid (SAWIRRO)


Arbaco, July 03, 2013 (HOL) — Ergayga Midowga Afrika ee arrimaha Somalia dajire Maxamed Saalax Anaadiif ayaa maanta kulan la yeeshay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo ra’iisul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) kaasoo ay kaga hadleen dagaalladii ka dhacay Kismaayo.

Intii uu kulanku socday ayaa waxay mas’uuliyiintan si aad ah uga hadleen dhibaatadii ka dhalatay Kismaayo iyo walaaca laga qabo xasillooni-darrada ka taagan magaalada xeebta ku taalla.

Wakiilka iyo madaxweynaha Soomaaliy ayaa si gaar ah uga hadlay sidii ay wadajir uga shaqeyn lahaayeen sidii ay u yareyn lahaayeen xaalado dhinaca bani’aadamnimo oo ka dhaca magaalada Kismaayo, iyagoo kaashanaya xafiiska UNSOM ee Soomaaliya.

Kulanka kaddib ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray dajire Anaadiif wuxuu ku sheegay inay isku raaceen madaxda dowladda in AMISOM ay sii wado caawinta shacabka Soomaaliyeed, isagoo sheegay in waajibkooda uu yahay sidii ay u xaqiijin lahaayeen sidii shacabka Soomaaliyeed ay ugu noolaan lahaayeen nabad iyo xasillooni.

“AMISOM waxay sii wadaysaa daweynta dhaawacyada dhamaan dhinacyada ku dagaalamay Kismaayo,” ayuu yiri ergayga Midowga Afrika ee Soomaaliya, isagoo intaas ku daray in howlahooda ay yihiin caawinta dadka Soomaaliyeed oo dhan.

Ugu dambeyn ergaygu wuxuu sheegay in ciidamada AMISOM ee ku sugan guud ahaan afarta qaybood ee Soomaaliya inay yihiin kuwo waajibaadkoodu yahay xaqiijinta ammaanka oo aysan jirin cid ay gaar ah ula safteen, isagoo xusay inay kaashanayaan mar walba ciidamada dowladda Soomaaliya.


Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya