4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 3 , 2013
Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Faroole oo Muddo bil ah kaddib dib ugu laabtay Xarunta Puntland ee Garoowe [SAWIRRO]


Arbaco, July 03, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) oo todobaadyadii ugu danbeeyey safar shaqo dalka dibaddiisa ugu maqnaa ayaa maanta dib ugu soo laabtay caasimadda Puntland ee Garoowe.

Mas'uuliyiin ka tirsan goleyaasha wasiirrada iyo baarlamaanka, isimmo, saraakiil ka tirsan ciidamada qalabka sida iyo dadweyne tira badan ayaa madaxweynaha iyo wefdigiisa si diirran ugu soo dhoweeyey garoonka diyaaradaha ee Garoowe.

Madaxweynaha oo ay socdaalkiisa ku weheliyeen madax uu kamid yahay wasiirka arimaha gudaha C/laahi Axmed Jaamac Ilk-jiir ayaa xarunta madaxtooyada war-baahinta kula hadlay, wuxuuna ka warbixiyey meelaha uu soo maray muddadii bisha ahayd ee uu dalka ka maqnaa iyo weliba waxyaabihii usoo qabsoomay.

Dalalka Kenya ,Australia iyo Imaaraadka Carabta ayuu sheegay in uu soo maray, isagoo xusay in sidoo kale ay u suurta gashay in uu kulammo gooni gooni ah la qaato madax ka socotey dalalka Maraykanka iyo Ingiriiska; iyo weliba ururada IGAD, Midowga Afrika iyo Midowga Yurub.

Mar uu ka hadlayey ololaha doorashada goleyaasha deegaanka oo wareeggiisii labaad galay, wuxuu u mahad celiyey ciidamada ammaanka iyo dadweynaha oo uu sheegay in ay si wadaniyad iyo xilkasnimo leh ay uga qayb qaateen.

Soo laabashada madaxweynaha Puntland ayaa kusoo aadeysa xilli maanta uu magaalada Gaalkacayo ka dhacay iska hor imaad u dhexeeya ciidamada Puntland iyo kooxo shacab ah oo kasoo horjeeda ololaha doorashada goleyaasha deegaanka.





Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya