4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 3 , 2013
Xildhibaannada Baarlamanka oo Maanta ansixiyay hindise sharciyeedka dib u eegista iyo Hirgelinta Dastuurka Somalia

Arbaco, July 03, 2013 (HOL) — Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay Muqdisho ayaa ansixiyeen hindise sharciyeedka dib u eegista iyo hirgelinta dastuurka dalka.

Kulankan oo ka mid ah kulammadii aan caadiga ahayn ee baarlamaanka u furmay shalay oo Talaado ahayd, ayaa waxaa soo xaadiray 149 mudane, iyadoo uu shir guddoominayay guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha baarlamaanaka Soomaaliya, Jeylaani Nuur Iikar.

Guddoomiyaha guddiga dib u eegista iyo hirgelinta dastuurka Soomaaliya, xildhibaanad Maryan Cariif Qaasim ayaa sharraxaad ka bixisay qodobbo ay xildhibaannada baarlamaanka codsadeen in wax laga bedelo.

“Qodobbada la codsaday in wax laga bedelo waxaa ka mid ah: qodobka koowaad farqaddiisa labaad toddobaad ee ah in lasoo koobo magaca wasaaradda garsoorka, arrimaha diinta iyo dastuurka, waxaana ka dhignay wasaaradda dastuurka,” ayay tiri Xildhibaanad Maryan Cariif.

Sidoo kale, waxaa wax ka bedelnay qodobka 134-afaraad farqaddiisa labaad oo ka hadlayay xubnaha guddiga oo ahayd inay noqdaan shan xubnood oo keliya, balse waxaan ku biirinnay inay kusoo darsamaan xubno ka socda ka socda maamullada federaalka ah ee dalka.

Xildhibaannadu waxay sheegtay inay meesha ka saareen qodobka 17-aad ee dastuurka dalka, iyadoo sheegtay in qodobkaas ay ku bedeleen qodobkii ku xigay ee 18-aad.

Sharraxaadda kaddib ayuu Jeylaani Nuur Iikar oo shirka guddoominayay kulankii maanta baarlamaanka wuxuu cod geliyay hidise sharciyeedka, iyadoo 144 mudane oo ka mid ahaa kuwii kulanka soo xaadiray ay codka siiyeen, halka hal mudane uu diiday, afar mudane oo kalena ay ka aamuseen.

Hindise sharciyeedkan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay oo xildhibannada baarlamaanka Soomaaliya ay ansixiyaan, iyadoo sharcigan uu awood buuxda siinayo guddiga ku howlan dib u eegista iyo hirgelinta dastuurka dalka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya