3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 3 , 2013
Maxkamadda Hargeysa oo Maanta Xukun ku riday Mas’uuliyiinta Wargeyska HUBAAL ee kasoo baxa Magaladda Hargeysa

Arbaco, July 03, 2013 (HOL) — Maxkamada degmada Hargeysa, ayaa maanta xukun xadhig iyo ganaax iskugu jira ku riday masuuliyiinta wargeyska madaxa banaan ee HUBAAl ka dib markii xayiraad la saaray wargeyska oo dacwadiisi ka socotay maxkamadda.

Maxkamada degmada Hargeysa ayaa Mareeyaha wargeyska Hubaal Maxamed Axmed Jaamac (Caloolay) ku xukuntay hal sano oo xadhig ah iyo laba milyan oo lacagta Somaliland oo ganaax ah, halka Tifaftiraha wageyska Xasan xuseen (Xasan Keefkeef) lagu xukumay laba sanno oo xadhig ah iyo laba milyan oo ganaax ah, iyadoo wageyska la sheegay inay xayiraadu saarnaadoonto illaa inta ka dhamaysanayaan xadhigoogga.

Garsoore Cismaan Ibraahin Daahir oo ah garsooraha xukumay masuuliyiinta wargeysa Hubaal, ayaa sheegay inay wargeysa Hubaal ku cadaatay inuu aflagaadeeyey madaxweynaha Somaliland iyo safaarada wadanka Ethiopia  ee magaalada Hargeysa.

“Xasan Xuseen Cabdilaahi oo ah tafatiraha wargeyska Hubaal waxay maxkamadu ku xukuntay laba sano oo xadhig ah iyo laba milyan oo ganaaxa, tafatiruhuna waa ninka qoraalka sameeya ee wixii ceeba iyo waxan ahayn kala saara, Maxamed Axmed Jaamac oo ah maareeyaha guud ee wargeyska Hubaal waxay maxkamadu ku xukuntay hal sano oo xadhig ah iyo laba milyan oo ganaaxa"ayuu yidhi garsoore Cismaan Ibraahim Daahir oo ka hadlayey xukunka ay ku riday labadan masuul ee wargeyska Hubaal.

“Danbigan aanu ku qaadnay wargeyska waxa weeye inuu aflagaadooyin iyo been abuur ku sameeyey xukuumada, iyo dad kale, waxaana ka mida inay sheegeen in safaarada wadanka Ethiopia ay khamri soo galiso wadanka taas oo ah been ah, waxa kale oo ka mid ah inay wax ka sheegeen xukuumada Somaliland iyo madaxda ugu saraysa qaranka, sidaas darteed anaga oo cuskanayna qodobadda 287 iyo qodobo kale wargeyskaas danbigii wuu ku cadaaday,” ayuu raaciyey hadalkiisa, waxaanu intaas ku daray “ Dacwadan waxa ka hadlay laba daraf kuwaas oo kala ahaa xeer ilaalinta iyo qareenka eedaysanayaasha,kuwaas oo qolana danbiga oogaysay qolada kalana iska difaacaysay, sidaas darteed qareenka eedaysanayaashu iskamay rogin eedayntii loo soo jeediyey, wargeyskana lagama qaadanayo xayiraada, balse waxa laga qaadanayaa marka ay dhamaysteen xukunkooda.”

Dhinaca kale, Xoghaya guud ee ururka suxufiyiinta Somaliland ee Solja Maxamed Rashiid Muxumed Faarax, ayaa sheegay in ururka suxufiyinta Somaliland ay canbaaraynayaan xadhiga lagu xukumay masuuliyiinta wargeyska Hubaal.

“Waxaanu aad u canbaaraynaynaa oo aanu  ka soo horjeednaa  xukunka cadaala darada ah ee lagu qaaday wargeyska Hubaal oo maalintii labaatanaad xidhan iyo tafatirihii iyo maareeyihii oo lagu xukumay laba sano iyo hal sano, kuwaas oo lagu qaaday xeerka ciqaabta oo aan ahayn xeer madaniya”ayuu yidhi xogyaha ururka saxaafadda, waxaanu intas ku daray “Suxufiyiintu waxay xaq u leeyihiin in lagu qaado xeerka madaniga ah iyo xeerka saxaafada Somaliland ee dalka u yaala,maaha macquul in la yidhaa wargeys ayaa labaatan cisho xidhnaanaya,dadkii laayeyna way maqan yihiin.”

Garyaqaan Maxamuud Cabdiraxmaan, ayaa sheegay in xukunkani aanu ahayn mid cadaaladda ku dhisan, isla markaana ay ka qaadanayaan racfaan.

Si kastaba ha ahaatee, warbaahinta madaxa banaan, ayaa cambaareeyey xukunka ku dhacay masuuliyinta wargeyska Hubaal, waxaana masuuliyiintan wargeyska hore usoo weeraray laba nin oo budhcad ah kuwaas oo mid ka ahi noqday askari booliska, haseyeeshee ilaa hadda aan kiiskoodda la qaadin, taas oo warbaahintii u aragto cadaaladda daro.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland













Click here
7/3/2013 5:33 PM EST
Arbaco, July 03, 2013(HOL)—Kaddib mudaharaadyo xiriir ahaa oo dhawaanahan ka socday magaalada Qaahira ee xarunta dalka Masar, gaar ahaan halkii looga mudaharaaday Madaxweynihii hore Maxamed Xusni Mubaarak ayaa waxay ugu dambeyntii keeneen in xukunka xoog looga wareejiyo madaxweynaha Masar Maxamed Musri oo xilli yar waddanka soo xukumayay.

7/3/2013 4:12 PM EST
Arbaco, July 03, 2013(HOL) — Xukuumadda Britain ayaa ku dhawaaqday in ay mamnuuceyso qaadka oo ay u aragto in uu halis caafimaad sababo, isla markaana uu la mid yahay daroogada qaarkeed.

7/3/2013 11:30 AM EST
Arbaco, July 03, 2013 (HOL) — Ergayga Midowga Afrika ee arrimaha Somalia dajire Maxamed Saalax Anaadiif ayaa maanta kulan la yeeshay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo ra’iisul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) kaasoo ay kaga hadleen dagaalladii ka dhacay Kismaayo.

7/3/2013 10:51 AM EST
Arbaco, July 03, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) oo todobaadyadii ugu danbeeyey safar shaqo dalka dibaddiisa ugu maqnaa ayaa maanta dib ugu soo laabtay caasimadda Puntland ee Garoowe.

7/3/2013 9:34 AM EST
Arbaco, July 03, 2013 (HOL) — Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay Muqdisho ayaa ansixiyeen hindise sharciyeedka dib u eegista iyo hirgelinta dastuurka dalka.

7/3/2013 9:10 AM EST
Arbaco, July 03, 2013 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa madaafiic hoobiye ah xalay iyo saakay ku weeraray saldhigyo ay ciidamada AMISOM iyo kuwa Itoobiya oo ku kala sugan garoonka diyaaradaha Baydhabo iyo warshadda Xaseey, lana oga khasaaraha ka dhashay weerarradaas.

7/3/2013 8:42 AM EST
Arbaco, July 03, 2013 (HOL) — Iyadoo lagu guda jiro wareegii labaad ee ololaha doorashooyinka goleyaasha deegaanka ee Puntland, islamarkaana maanta uu ku qornaa ururka xukuumadda ee HORSEED, ayaa waxaa ciidamo aad u tira badan lasoo dhoobay jidadka muhiimka ah ee magaalada Boosaaso.

7/3/2013 8:24 AM EST
Arbaco, July 03, 2013 (HOL) — Magaalada Gaalkacayo ee xarunta gobolka Mudug, waxaa maanta ka dhacay iska hor imaad khasaare badan geystey oo dhex maray ciidamada ammaanka ee Puntland iyo kooxo hubeysan oo kasoo horjeeda ololaha doorashada ee ururka Horseed ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Faroole.

7/3/2013 8:20 AM EST
Arbaco, July 03, 2013 (HOL) — Golaha mucaaradka Puntland oo shir-jaraa'id ku qabtay xafiiskooda magaalada Boosaaso, ayaa sheegay in maanta laga horjoogsaday bannaan bax nabadeed oo ka dhan ah urur-siyaasadeedka Horseed.

7/3/2013 7:16 AM EST
Arbaco, July 03, 2013(HOL) :- Mudnayaasha baarlamaanka federaalka Soomaliya ee kasoo jeeda gobollada Jubooyinka iyo Gedo ayaa booqday dhaawacyadii ciidamada dowlada Soomaaliya iyo dad rayid ah oo kusoo dhaawacmay dagaaladii ka dhacay magaalada kismaayo ee xarunta gobolka jubada hoose kuwaasoo lasoo dhigay isbitaalka Madiino ee magaalada Muqdisho.

7/3/2013 4:01 AM EST
Arbaco, July 03, 2013 (HOL) — Magaalada Seattle ee gobolka Washington ayaa lagu soo gabagabeeyey koob kubadda koleyga ah oo loogu magic-daray isbuucii Soomaalida iyo tartan kubadda koley ah kaasoo lagu soo beegay munaasabadda 53-guuradii xoriyadda Soomaaliya. Cayaarahaan oo soo socday muddo toddobaad ah ayaa lasoo gabagabeeyay 01-dii Luuliyo.

7/3/2013 4:00 AM EST
Arbaco, July 03, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha bankiga dhexe, Cabdisalaan Cumar Hadliye ayaa iska fogeeyay warbixinta ku saabsan in 80% lacagaha kusoo xarooday bankiga dhexe ee Soomaaliya ay la baxeen shaqsiyaad gaar ah oo ay soo saartay Qaramada Midoobay.