4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 29, 2013
Kooxo hubeysan oo Suuqa Bakaaraha ku Toogtay Maanta laba Askari oo ka Tirsan Ciidamada Canshuuraha Dowladda

Isniin, July 29, 2013 (HOL) — Kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa maanta ku toogtay gudaha Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho laba askari oo ka tisran ciidamada canshuuraha (Minishiibiyo) ee dowladda Soomaaliya, iyagoo dilka kaddib goobta ka baxsaday.

Askartan oo ku gudo-jiray howlo ay canshuuro ku qaadayaan ayaa lagu dhex-toogtay suuqa qudaarta ee Bakaaraha, iyadoo aan la ogeyn kooxaha dilka geystay cidda ay ka tirsanaayeen iyo halka ay u baxsadeen.

Goobjogayaal ku sugana goobta uu dilku ka dhacay iyo sarkaal ka tirsanaa ciidamada dowladda ayaa xaqiijiyay in dilkan uu ahaa mid qorsheysan oo ay geysteen kooxo aan haybtooda la garanayn oo bastoolado watay.

“Labada askari waxaa laga toogtay qaybta sare ee jirka, waxaana kooxihii ka dambeeyay dilkooda u suurogashay inay goobta ka baxsadaan, balse baaris ayaan wadnaa,” ayuu yiri sarkaalka ka tirsan ciidamada dowaldda ee goobta gaaray dilka kaddib.

Sidoo kale, goobjoogayaal ganacsi ku haysta halka uu dilku ka dhacay ayaa sheegay in inay ka war-heleen rasaas badan oo dhacaysa, daqiiqado kaddibna ay arkeen labada askari oo dhulka yaalla.

“Askarta la toogtay waxay ahaayeen kuwo aan si wanaagsan u naqaannay, muddo ayay suuqa joogeen, mana garanayno sababta loo dilay iyo cidda ka dambeysay dilkooda,” ayuu yiri ganacsade dukaan qudaar ku haysta goobta.

Ma jirto cid sheegatay inay ka dambeysay dilka askartan, waxaana dilkan ku soo beegmayaa xilli madaxda dowladdu ay ka dhawaajiyeen inay ka hortegi doonaan falalka ammaan-darro ee ka dhacaya caasimadda Soomaaliya.

Al-shabaab inta badan sheegata dilalka qorsheysan iyo qaraxyada ka dhaca Muqdisho, iyadoo tan iyo markii ay billaabtay bishan lagu dilay gudaha suuqa Bakaaraha in ka badan 14-qof oo isugu jiray rayid iyo ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya