4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 29, 2013
Ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Somalia oo Qarax miino lagu beegsaday Xaafadda Kaasobololaare ee Degmada Hodan

Isniin, July 29, 2013 (HOL) — Ugu yaraan laba ruux oo mid ka mid ah uu ahaa askari ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo qof dhakhtar ahaa oo ka dhawaan goobta uu qaraxu ka dhacay, kaddib qarax lala beegsaday gaari ay wateen ciidamada dowladda Soomaaliya.

Qaraxan oo ka dhashay miino waddada dhinaceeda lagu aasay ayaa waxay si lama filaan ah ugu qarxday gaari ay wateen ciidamada dowladda iyadoo ay ku dhaawacmeen in ka badan shan qof oo kale.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in qaraxu uu ahaa mid xooggan oo burbur u geystay gaarigii ay ciidamada dowladdu wateen, wuxuuna qaraxan saameyn ku yeeshay isku socodka dadka iyo gaadiidka waddadaas.

“Markii uu qaraxu dhacay waan ku sugnaa goob u dhow halka uu ka dhacay waxaana arkay maydka askari ka mid ahaa kuwii gaariga saarnaa iyo ruux dhakhtar ahaa oo ku sugnaa meel ku dhow halka uu qaraxu ka dhacay,” ayuu yiri goobjooge la hadlay warbaahinta.

Ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa qaraxa kaddib goobta gaaray ayaa sameeyay baaritaanno ay ku qabqabteen dhowr qof oo ay ku eedeeyeen inay ku lug lahaayeen qaraxa, inkastoo qaarkood markii dambe lasii daayay.

Qaraxan ayaa wuxuu imaanayaa maalin kaddib markii xarun uu Turkigu ku leeyahay Muqdisho lala beegsaday qarax ismiidaamin ah, halkaasoo uu ku dhintay mid ka mid ah ciidamada Turkiga ee ilaalada ka ah safaaradda ay ku leeyihiin magaalada Muqdisho.

Inkastoo aysan jirin cid sheegatay inay ka dambeyso weerarkan ayaa haddana inta badan waxay qaraxyada ka dhaca Muqdisho ku eedeeyaan inay ka dambeyso Xarakada Al-shabaab oo laba sano ka hor laga saaray Muqdisho.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya