4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 29, 2013
MAAREEYAHA HUBAAL: “Haddii Xukuumaddu saddex jirsatay inagu waxaan ku xusaynaa Sannadkii Xarigga iyo Caburinta”

Isniin, July 29, 2013 (HOL) — Xarunta Wargeyska Madaxa banaan ee HUBAAL, ayaa la sheegay inuu khasaare soo gaadhay kadib markii qaybo ka mid ah Deyrkiisa oo Dumay, iyo dilaac  ku dhacay dhismaha laftiisa.

Khasaarahan ayaa laga war helay Maalinnimadii Sabtidii xilli ay wargeyska Hubaal Dhibane u yahay Dakannooyin Xayiraad, xukunno iyo ganaax kale isugu jira ay xukuumadda Somaliland u geysatay, isla markaana ay tan iyo 12kii June ee sanadkan oo Xayiraad lagu soo rogay Xarunta Wargeyska ay dhex degen yihiin Ciidammo  dawladda ka socdaa, kuwaas oo aan cidna u ogolayn in guda loo galo dhismaha.

Mas’uuliyiinta Wargeyska Hubaal oo  ka hadlay  arrintan ayaa xaqiijiyey in khasaaraha soo gaadhay xaruntooda gaar ahaanna wajahadii dembe ee dhismaha oo ay sheegeeni n qayb weyni dunsan tahay,  illaa haatanna aanay ogayn  goorta uu dumay iyo sida sababta rasmi ahaan uu u dumay.

"Markii la ii sheegay subaxnimadii Sabtidii dorraad markiiba waan tegey xarunta oo sida laga war qabo ay dhex degen yihiin Ciidamo boolis ah oo illaa xayiraadii bishii hore nalagu soo rogay jooga.  mid kamid ah oo aan weydiiyey  goorta  dumay iyo Sababtiisana, waxa uu ii sheegay in  uu goor habeennimo ah iska dumay deyrku ".ayuu yidhi Tifaftiraha wargeyska Hubaal Xasan Keef keef oo ka hadlayey khasaaraha ku dhacay xaruntoodda, waxaanu intaas ku daray "Dilaacyo kale ayaa jira oo soo gaadhay Wajahadda hore ee dhismaha iyo xaggiisa dembeba, illaa haatanna ma hayno sabab rasmi ahaan aanu ku qanacsannahay  oo khasaarahan na soo gaadhay loo tix raaco,  kaasoo aanaan garanayn xataa xafiisyada guduhu sida ay wax u qabaan, maadaama oo aan la ogolayn  in aanu galno xafiisyadda  gudaha oo agabkii wargeyska iyo qalab kale oo xataa Mobilladayadii ku jiraan  ku dhex qufullan yihiin, tan iyo markii xukuumaddu naga dareerisay".

Dhinaca kale, Maareeyaha wargeyska HUBAAL Maxamed Axmed Jaamac (Calooley) ayaa Sheegey in sanad guuraddii ka soo wareegtay  Curashadii wargeyskooda ay ku xusayaan Xayiraad iyo Cabudhin Dawladda Madaxweyne Siilaanyo ku hayso.

"Cadadkii u horreeyey ee Wargeyska Hubaal waxa uu ifka u soo baxay 20-kii bishii Julay ee Sanadkii hore (2012), Haatanna waxa laga joogaa Muddo sanad ah markii aanu aasaasnay wargeyska, waxaana ay ku soo beegan tahay iyadoo la haysto Meeshayadii, oo ay xayiran tahay, iyo Xukunno xadhig iyo ganaax ah oo nalagu riday aniga iyo Tifaftirihiiba, Waxaana Markhaati laga yahay in Xukuumaddu na hagar daamaynayso mar kasta, welibanna halkii ay sharciga ka ilaalin lahayd iyadu ku tumanaysa oo cid walba uga dhaw dahay. Annagu waxanu leenahay Ummadda Somaliland ayaa Markhaati nooga ah dakanooyinka nagu dhacay oo dhanna, Haddii maanta xukuumadda Siilaanyo  saddex jirsatay oo ay damaashaadayso annaguna waxaanu ku xusaynaa sanad guuradayada Cabudhin iyo Xukun iyo xadhig" ayuu hadalkiisa ku soo xidhay Maareeyaha Wargeyska Hubaal Maxamed Axmed Jaamac (Calooley).

Si kastaba ha ahaatee, warbaahinta madaxa banaan ayaa tirsanaya tacadiyo kadhan ah oo xukuumaddu ku samaysay, waxaanay warbixin dhowaan soo saartay ururka Saxaafadda SOLJA sheegtay inay tacadiyada suxufiyiinta lagu hayaa ay sii korodhay mudadii ay xukuumada madaxweyne jirtay.

Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online 
[email protected]  
Hargeysa, Somaliland