4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 29, 2013
Ciidamada Dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM oo baaritaanno ka billaabay Degmada Jowhar ee Gobolka Shabeellada Dhexe

Isniin, July 29, 2013 (HOL) — Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa howgallo lagu baarayo degmada Jowhar ka billaabay saakay halkaas, kuwaasoo lagu soo qabqabtay dad badan oo looga shakisan yahay inay xiriir la leeyihiin Al-shabaab.

Saraakiisha ciidamada dowladda ee Jowhar ayaa sheegay in baaritannadan ay qayb ka yihiin howgallo lagu xoojinayo ammaanka degmada Jowhar oo ka mid ah degmooyinka ay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM kaga sugan yihiin gobolka Shabeellada dhexe.

“Baaritaannadu waa kuwo guri-guri ah, waxaana lagu xaqiijinayaa amniga degmada, waxayna ka dambeeyeen kaddib markii kulan looga hadlayay amniga uu toddobaadkii hore ka dhacay degmada,” ayuu yri sarkaal ka tirsan ciidamada dowaldda oo howgallada hoggaaminayay.

Xaafadaha degmada Jowhar qaarkood ayaa aad loo baarayaa iyadoo taas lagu macneeyay inay tahay shaki laga qabo inay ku jiraan xubno ka tisran Al-shabaab, waxaana goobjoogayaal ku sugan degmada ay sheegeen inay arkeen dad badan oo lasoo qabqabtay.

“Ciidamadu waxay galayeen guryaha degmada, waxaana arkay dhallinyaro lasoo qabqabtay oo gacmaha iyo wajiyada laga xiray, kuwaasoo la sheegay in looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Al-shabaab,” ayuu yiri Xuseen Maxamed oo ka mid ah dadka ku nool degmada Jowhar.

Goobjooguhu wuxuu sheegay in ciidamadu aysan baarayn dad laga shakisan yahay oo keliya, balse ay xitaa baarayaan hubka ay dadweynuhu gacanta ku hayaan, iyadoo lagu soo beegay xilli golaha wasirrada ay sheegeen in hubka laga qaaday shacabk Soomaaliyeed.

Baaritaankan oo noqonaya kii ugu adkaa ee ay ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM ka sameeyaan degmada Jowhar tan iyo markii Al-shabaab ay kala wareegeen sannadkii hore, ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo dhawaan uu sheegay guddoomiyaha gobolka Shabeellada dhexe in ammaan-darrada ay sabab u tahay hubka oo ku jira gacanta shacabka.

Degmada Jowhar ayaa waxay 90-km dhinaca waqooyi kaga beegan tahay Muqdisho, waxayna ka mid tahay degmooyinka ay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM kala wareegeen sannadkii hore xoogagga Al-shabaab oo muddo sannado ah ka talinaysay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya