3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 29, 2013
Xukuumadda Somaliland oo u Dabaal-dagtay Saddex Sano-Guuradii ka soo Wareegtay Markii ay xilka la wareegtay (SAWIRRO)


Isniin, July 29, 2013 (HOL) — Xukuumadda Somaliland, ayaa xalay u dabaal-degtay sadex sanno-guuradeedii kasoo wareegtay maalintii ay taladda Somaliland la wareegtay, markaasoo ku beegnayd 27-kii July, 2010. Waxaana lagu casuumay munaasabadda qurbo-joogta Somaliland iyadoo madaxweynaha Somaliland uu uga warramay
waxqabadkii ay ku talaabsadeen intii uu xilka hayay.

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)  oo in ka badan lix boqol oo Qurbojoog ah ku casuumay hoolka weyn ee Hoteel Maansoor ayaa ku soo bandhigay waxyaalaha ay awoodda saareen iyo siday wax uga qabteen, isagoo tilmaamay in nabadgalyada iyo xalinta khilaaf beeleedyada ay ku guulaysteen, waxa kale oo uu xusay inay arrimaha dibadda ay wax badan ka qabteen.

“Qurba jooga Somaliland waa dad waxtar weyn ka soo qaatay dib u dhiska waddanka mustaqbalka dambena ay Umaddani wax badan ka sugayso. haday dhinac Dhaqaale tahay, haday dunida oo ay qadiyadeena gaadhsiiyeen ay tahay iyo haday dhinac kasta tahay door weyn oo lama ilaawaan ah ayay ka soo qaateen, maantana dhismihiisa, haday tahay dhinaca tacliinta, haday tahay horumarintiisa, haday tahay waddooyinkiisa iyo haday tahay Caafimaadkiisaba, aad iyo aadna way ugu mahadsanyihiin”ayuu yidhi madaxweyne Siilaanyo oo la hadlayey Qurbojoogta reer Somaliland, waxaanu intaas ku daray “Waa dad ay ku tiirsanyihiin dad badan oo dalka ku nooli, waxaanan Maanta ku kalsoonahay inay wax badan oo dib u dhiska waddanka ah doorkooda ka qaadan doonaan”

“Waxaa kaloo aan ku kalsoonahay Maanta qurba-joogu meel-marinta qadiyada dalkeena iyo Ictiraaf raadinta inay kaalin mug leh ka qaadan karaan, waayo xidhiidhbay la leeyihiin Baarlamaanada waddamada ay joogaan, waanay ka tirsanyihiin qaramada ka jira, markaa hadii ay ka hawl-galaan Ictiraaf raadinta dalkeena waxay ka ciyaari kaaran door aad iyo aad u muhiim ah”ayuu hadalkiisa raaciyey.

Madaxweynuhu waxa uu intaasi ku daray inay xukuumadiisu u guntan tahay sidii ay wax uga qaban lahayd horumarinta dalka iyo iib-geynta qadiyadda Somaliland, waxaanu guud ahaan shacbiga Somaliland gudo iyo dibadba ka dalbaday inay kala shaqeeyaan himilooyinka xukuumadda ee dhinacyadda horumarinta adeegyadda bulshadda iyo taabo-gelinta dhaqaalaha dalka.

Sidoo kale, waxa madasha lagu soo bandhigya Dokomantiyo muuqaal ah oo ka hadlaya waxqabadkii xukuumada iyo meelaha ay awoodda saartay, waxaanay iftiimisay inay wax badan ka qabatay mudadii ay xilka haysay arrimaha bulshadda, nabadgalyada, iyo inay xidiidho cusub la samaysato caalamka.

Afhayeenka madaxtooyadda Axmed Saleebaan Dhuxul ayaa halkaasi ka akhriyey warbixin dheer oo uu kaga hadlayey mudadii saddexda sanno ahayd waxyaalihii ay qabatay xukuumadda madaxweyne Siillaanyo.

Dhuxul ayaa sheegay in Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo markiiba ku dhawaaqday inay dhamaynayso goobihii xaga nabadgelyada uu dareenku ka jiray gaar ahaana deegaanka Ceel-bardaale oo labadii dhinac ay xukuumaddu ay isku keentay kuna dhamaysay is-afgarad. Waxa kale oo uu Madaxweynuhu deegaannada bari gaar ahaan Sool, Sanaag bari iyo Buuhoodle ayuu u fidiyay gogol nabadeed, gogoshaasi nabadeed waxay dhalisay inay shacabka reer Somaliland ee deegaanadaasi ay marar badan isu yimaadeen kulamo nabadeed, kuwaasoo aakhirkiina keenay in xataa jabhadii SSC wada hadalo ay xukuumadda wada yeesheen ka dib uu hogaamiyahoodii uu ka mid yahay xubnaha golaha wasiirrada. Waxa kale oo jira in dhawaanahanba in ciidamo xoog leh oo ka yimi Khaatumo ay halkan yimaadeen, kuwaasoo Somaliland ay kusoo dhaweynayso nabada iyo dadkooda wax la qabtaan.

Mar uu ka hadlayay siyaasada arrimaha dibadda iyo waxyaalaha ay ku guulaysteen waxa uu yidhi “Madaxweynaha Somaliland waxa uu dejiyay qorsheyaal siyaasaddeed oo wax lagaga bedelayo siyaasadda qaran ee arrimaha dibada, taasoo ku salaysnayd aragti ah in gole kasta iyo shir kasta oo qaddiyadeena aynu ku sharaxi karno aynu ka qaybgalno, si aynu u kasbano garawshiyo qaddiyadeena saacida ama garab. Waxay ahayd 23-kii February 2012, markii ugu horeysay ee ay Somaliland ka qaybgashay oo ay fadhiyaan Soomaalidu iyo wadamo kale oo ka socda beesha caalamka. Shirkaas oo aynu ku tagnay meeqaam dawladeed waxa uu keenay inay ka dhalato natiijo wanaagsan oo qaban-qaabiyeyaashii shirkaas oo ay kaw ka tahay dawladda Ingiriisku qodobadii kasoo baxay shirkaas si cad gaar ahaana qodobkiisii lixaad ay ku cadayd in dawladda Somaliland iyo dawladdii ku-meel-gaadhka ahayd ee Soomaaliya wakhtigaas ka jirtay dalkaas ay bilaabaan wada-hadalo ay kaga tashanayaan mustaqbalkooda siyaasaddeed sidii ay ugu kala bixi lahaayeen, waxaanay taasi ku timi aragtidii Madaxweynaha Somaliland uu la yimi iyo gacan siintii goleyaasha qaranka, axsaabta siyaasadda iyo shacabka reer Somaliland”.

Sidoo kale, waxa uu intaas ku daray Afhayeenka madaxtooyadu in shirarkaasi barbar socdeen socdaallo dhawr oo diblomaasiyadeed oo Madaxweynaha Somaliland iyo wefti uu hogaaminayaa ay ku tageen wadamada Itoobiya, Ingiriiska, Turkiga, Maraykanka, Kenya, Shiinaha, Koonfurta Suudaan, Imaaraadka Carabta iyo Kuwayt, socdaaladaasi uu Madaxweynaha Somaliland uu ku tagey wadamadaasi ujeedadu waxay ahayd in laga dhaadhiciyo oo loo sharaxo wadamadaasi qaddiyada Somaliland, waxaad ogsoon tihiin in markii dambe Ra’iisal Wasaaraha dalka Itoobiya mar uu la hadlayay baarlamaanka dalkaasi inuu si cad u sheegay in Itoobiya ay garab taagan tahay Somaliland. Runtii may ahayn arrin iska timi, laakiin waxay ku timi dedaal dheer.

Xukuumadda Madaxweynaha Siilaanyo muddadii saddexda sanno ahayd ee masuuliyadaas ay u doorteen shacabku ay hayeen, shacabku waxay ka heleen filashadii iyo rejadii ay ka qabeen hogaamiye ay waayo-ragnimadiisa iyo aqoontiisaba ay ku qanacsanaayeen. Madaxweynaha Somaliland oo og dareenka ay shacabkiisu ka qabaan waxa uu si wayn uga fikiray dhaqaajinta wadan u baahan wax ka qabashada dhinac walba, wadan u baahan in la meel mariyo himiladiisa qaran, wada u baahan inuu yeesho aragti siyaasadeed oo macaamil dhab ah leh oo nabad iyo xasilooni ku dhisan. Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo waxay suurogelisay muddadii saddexda sanno ahayd ee a xilka haysay wax qabad balaadhan oo saameeyay ama la gaadhsiiyay ilaa heer tuulo, waxqabadkaas waxa ka mid ahaa dhismeyaal iyo qurxin lagu sameeyay madaxtooyada Somaliland.

Waxa kale oo lagu sameeyay Wasaaradda Maaliyada oo muhimad wayn qaranka ugu fadhida qawaaniinta maaliyada, waxa kale oo la sameeyay siyaasadda miisaaniyada qaranka, waxa la habeeyay goobaha dakhli soo saarka, si kor loogu qaado dakhliga dawlada, waxa la kordhiyay in mushaharka 100% , magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer waxa laga bedelay lacagtii giinbaarta ahayd, waxa bilaash laga dhigay guud ahaan dugsiyada hoose dhexe.”ayuu yidhi Dhuxul oo khudbad dheer oo uu kaga hadlayey waxqabadkii xukuumaddan sheegayey.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweyne Siillaanyo ayaa doorashadii madaxweynenimo ku guulaystay 26 june.2010, waxaanu xilka si rasmi ah ula wareegay 27 july, 2013 kii, waxaanu madaxeynuhu sanad walba bishan oo kale soo bandhigaa waxqabadkii mudadii uu xilka hayey.




Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online 
[email protected] 
Hargeysa, Somaliland













Click here
7/29/2013 1:08 PM EST
Isniin, July 29, 2013 (HOL) — Kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa maanta ku toogtay gudaha Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho laba askari oo ka tisran ciidamada canshuuraha (Minishiibiyo) ee dowladda Soomaaliya, iyagoo dilka kaddib goobta ka baxsaday.

7/29/2013 1:07 PM EST
Isniin, July 29, 2013 (HOL) — Kadib jahwareer ganacsi oo sadaxdii cisho ee la soo dhaafay ka taagnaa magaalada Baladweyne ayaa mar kaliya galinkii danbe ee maanta waxaa hoos u dhac weyn ku yimid sarifka doolarka, kadib markii leyska diiday isticmaalka iyo ku ganacsiga lacago la sheegay in ay been abuur yihiin oo lagu farsameeyo qeybo ka mid ah gobollada dhexe.

7/29/2013 1:05 PM EST
Isniin, July 29, 2013 (HOL) — Ugu yaraan laba ruux oo mid ka mid ah uu ahaa askari ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo qof dhakhtar ahaa oo ka dhawaan goobta uu qaraxu ka dhacay, kaddib qarax lala beegsaday gaari ay wateen ciidamada dowladda Soomaaliya.

7/29/2013 8:55 AM EST
Isniin, July 29, 2013 (HOL) — Xarunta Wargeyska Madaxa banaan ee HUBAAL, ayaa la sheegay inuu khasaare soo gaadhay kadib markii qaybo ka mid ah Deyrkiisa oo Dumay, iyo dilaac ku dhacay dhismaha laftiisa.

7/29/2013 8:13 AM EST
Isniin, July 29, 2013 (HOL) — Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa howgallo lagu baarayo degmada Jowhar ka billaabay saakay halkaas, kuwaasoo lagu soo qabqabtay dad badan oo looga shakisan yahay inay xiriir la leeyihiin Al-shabaab.

7/29/2013 2:39 AM EST
Isniin, July 29, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud Siillaanyo ayaa qasriga madaxtooyadda ku qaabilay Sheekh Xuseen Nuur Qalinle oo bishan Ramadaan ku guulaystay jaa’isad caalami ah kaas oo loo gartay inuu noqdo macalinka ugu wanaagsan aduunka ee dadka bara Quraanka Kariimka ah.

7/29/2013 2:38 AM EST
Isniin, July 29, 2013 (HOL) — Dowladda Mareykanka ayaa cambaareyn adag dusha uga tuurtay dilalka loo geysanayo taageerayaasha madaxweynihii Masar ee xukunka laga tuuray, Maxamed Mursi, iyadoo ku tilmaantay inay ka mid tahay xadgudubyada lagula kaco shacabka.