4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 29, 2013
Madaxweynaha Somaliland oo qaabilay Sheekh Somaliland u dhashay oo ku guuleystay Abaalmarin Caalami ah (SAWIRRO)


Isniin, July 29, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud Siillaanyo ayaa qasriga madaxtooyadda ku qaabilay Sheekh Xuseen Nuur Qalinle oo bishan Ramadaan ku guulaystay jaa’isad caalami ah kaas oo loo gartay inuu noqdo macalinka ugu wanaagsan aduunka ee dadka bara Quraanka Kariimka ah.

Sheekh Xuseen Nuur Qalinle oo ka mid ah culimadda waaweyn ee Reer Boorame ayaa ku guulaystay Jaa’isad la yidhaa Raabidatu Caalamu Islaam, taasi oo la siiyo Macalinka ugu wanaagsan sanad walba adduunka oo dhan kaas oo uu sanadkan 2013-ka ku guulaystay jaa’isadaasi, waxaana xaflad weyn oo loogu qabtay dalka sucuudiga oo ay ka soo qaybgaleen madaxda sar-sare ee dalkaasi u garteen inuu sheekhu yahay qofkii ugu mudnaa ee abaalmarintaasi hella.

Sheikh Xuseen Qalinle ayaa waxa uu macalin ka yahay madarasadda Iimaamu shaadibi  ee magaaladda Boorame, waxaanu awoodda saaraa inuu dadka waaweyn baro quraanka kariimka ah.

Kulankan oo Madaxweynuhu uu ugu Hambalyeynaayey Sheekha Jaa’iisada qaaliga ah ee uu ku guulaystay iyo magaca uu u soo hooyey dalkiisa hooyaba waxa uu madaxweynuhu sheikha ku hambalyey kuna dhiiri geliyey inuu dedaalkiisa halkaasi ka sii wado.

Waxa madaxweynaha kulankan ku wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan CabdilaahI Ismaaciil (Saylici) iyo Wasiiru Dawlaha Madaxtooyada Mudane Maxamed Muuse Abees iyo Culimo badan oo sheekha la socotay.

Madaxweyne Axmed Siillaanyo, ayaa bishan Ramadaan hawlo badan oo samafal ah hirgaliyey, waxaana uu markii ugu horeysay dalka ka hirgaliy Idaacad u khaas ah Quraanka Karimka ah iyo Axaadiista, waxa kale oo uu maalgaliyey tartanka quraanka kariimka ah oo uu dadkii ku guulaystay siiyey abaalmarino qaali ah, waxaana talaabooyinkaasi uu qaaday aad ugu hambalyeeyey culimaladda waaweyn ee Somaliland iyo shacabweynaha, maadaama oo ay hore  Idaacaduhu mamnuuc uga ahaayeen Somaliland oo aan la furan karin, laakiin kaliya ogolaaday idaacadaasi quraanka kariimka gaarka u ah.



Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland