4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 29, 2013
Mareykanka oo cambaareeyay dilalka loo geysanayo taageerayaasha Mursi iyo Mudaaraadyo weli ka socda Dalka Masar


Isniin, July 29, 2013 (HOL) — Dowladda Mareykanka ayaa cambaareyn adag dusha uga tuurtay dilalka loo geysanayo taageerayaasha madaxweynihii Masar ee xukunka laga tuuray, Maxamed Mursi, iyadoo ku tilmaantay inay ka mid tahay xadgudubyada lagula kaco shacabka.

Wasaaradda caafimaadka dalka Masar ayaa sheegtay in tiro ka badan 67-qof ay ku dhinteen isku-dhacyadii ugu dambeeyay ee magaalooyinka waaweyn ee dalka Masar ku dhexmaray taageerayaasha Mursi iyo booliiska Marsar ee rabshadaha ka hortaga.

Afhayeen u hadlay ururka Ikhwaanul Muslimiin ee dalka Masar ayaa sheegay in 120-qof ay kaga dhinteen ururkooda rabshadihii ka dhacay Masar dhowrkii maalmood ee ugu dambeeyay, isagoo xusay in dadkaas ay toogasho toos ah ku dileen ciidamada booliiska.

Taageerayaasha madaxweynihii xilka laga tuuray ee Maxamad Mursi ayaa ka wada dalkaas dibadbaxyo ay ku dalbanayaan in dib xukunka loogu soo celiyo madaweynihii sida xorta ah lagu soo doortay, inta taas ay suurogalaysana ay sii wadi doonaan dibadbaxyada.

Jihad al-Xaddad oo ah afhayeenka u hadlay ururka Ikhwaanul Muslimiin ayaa sheegay in kumannaan qof oo ururkooda ka tirsan ay ku sugan yihiin dhowr magaalo oo ka tirsan Masar si ay u muujiyaan inay kasoo horjeedaan in laga qaado xukunka madaxweynihii lasoo doortay.

Mas’uuliyiin u hadlay Mareykanka ayaa dhankooda sheegay in xabsiga laga sii daayo madaxweynihii hore ee Masar iyo taageerayaashiisa, lana billaabo wadahadallo lagu qaboojinayo xiisadaha ka taagan Masar oo u muuqda kuwo  sare u sii kacaya.

Hoggaamiyaha milateriga dalka Masar, C/fitaax Al-Siisi ayaa ku adkeysanaya in madaxweynaha Masar uu galay dambiyo kala duwan oo aysan dhacyan in dib loogu soo celiyo xukunka, isagoo ugu baaqay dibadbaxayaasha inay ku laabtaan guryahooda ayna ka shaqeeyaan ammaanka.

Taageerayaasha Mursi ayaa wata boorar ay qaarkood ku taageerayaan Mursi halka kuwo kalena ay uga soo horjeedaan hoggaamiyaha milateriga dalkaas, waxayna sii adkeeyeen dalabkooda ah in xukunka lagu soo celiyo Mursi.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya