4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 28, 2013
Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo Maanta Ansixiyay Miisaaniyad gaar ah oo loogu Talo-galay Mushaaraadka Ciidamada

Axad, July 28, 2013 (HOL) — Golaha wasiiradda xukuumadda Soomaaliya ayaa kulan ay maanta ku yeesheen Muqdisho ku meel-mariyay miisaaniyad gaar ah oo loogu talogalay mushaaradka ciidamada dowladda Somalia, taas oo ay soo gudbisay wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya.

Kulankan oo uu shir-guddoominayay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray qodobbo ay ka mid ahaayeen dar-dargelinta howlaha maxkamadaha iyo caddaaladda dalka, dhismaha hay’ad qaabilsan qaxootiga iyo barkacayaasha iyo qiimeyn lagu sameyn doono hubka sharci-darrada ah ee ku jira gacanta shacabka.

Afhayeenka xukuumada, Ridwaan Xaaji Cabdiweli oo warbaahinta la hadlay kulanka kaddib ayaa xusay in kulanka si qoto-dheer looga hadlay xaaladda amniga, isagoo sheegay in golaha wasiirradu ay cambaareyn adag dusha kaga tureen falkii fuleynimo ee shalay lagu weeraray xarun ay deganaayeen shaqaale u dhashay dalka Turkiga; halkaasoo ay ka dhalatay dhimasho iyo dhaawac.

Sidoo kale, Ridwaan ayaa sheegay in golaha wasiirradu ay meel-mariyeen dhismaha hay’adda dib-u-dejinta qaxootiga iyo barakacayaasha Qaranka, waxayna goluhu is-tuseen buu yiri muhiimadda ay hay’addan u leedahay qaxootiga iyo barakacayaasha, waxaana la filayaa inay ka qayb-galaan howl-wadeennada hay’addan shirka ka dhacaya magaalada Nairobi ee looga hadli doono qaabka ugu habboon ee dib loogu celin karo qaxootiga Soomaaliyeed ee ku jira xeryaha dalka Kenya ku yaalla.

Golaha Wasiirada ayaa sidoo kale, meel mariyay miisaaniyad gaar ah oo uu soo gudbiyay wasiirka wasaaradda maaliyadda, Max’uud Xasan Suleymaan taasoo loogu talo-galay bixinta mushaaraadka ciidamada iyo sugidda amniga dalka, maadaama ay dowladdu billowday bixinta mushaaraadka ciidamada kala duwan ee dowladda; iyadoo adeegsaneysa qasnada dowladda.

“Miisaaniyaddan waa mid u gaar ah mushaaraadka ciidamada iyo howlaha amniga, dawladduna waxay xil gaar ah iska saartay sidii ay u bixin lahayd xaquuqda askarta,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Saacid oo hadlayay intii lagu gudo jiray kulanka golaha wasiirrada.

Golaha ayaa go’aamiyay in la dar-dargelinayo lana xoojiyo howlaha maxkamadaha iyo caddaaladda, si talaabo sharciga waafaqsan looga qaado kooxaha nabadda kasoo horjeeda iyo cid kasta oo ka hor-timaadda sharciga, gaar ahaana kooxaha caadeystay inay shacabka dhibaateeyaan, amnigana ay qal-qal-geliyaan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya