4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 28, 2013
Maamulka Magaalada Kismaayo oo Maanta soo Bandhigay Ciidamo Gaar ah oo ka shaqeyn doona Ammaanka Magaalada

Axad, July 28, 2013(HOL) :- Munaasibad ka dhacday Saldhigga dhexe ee degmada Kismaayo islamarkaana ay kasoo qeybgaleen masuuliyiinta ugu sareeysa ee maamulka Jubbaland ayaa lagu soo bandhigay ciidamado gaar ah oo ka shaqeyn doona amniga magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose.

Ciidamadan tababarka loo soo xiray ayaa la gudoonsiiyay astaamo gaar ah oo ay isku aqoonsadaan, waxaana sidoo kale lagu amray in laga bilaabo maanta ay si joogto ah uga howlgalaan magaalada Kismaayo islamarkaana ay ka hortagaan cidii carqalad ku ah ammaanka.

Goobtii lagu soo bandhigayay ciidamadan cusub ayaa waxa goob joog ka ahaa masuuliyiinta ugu sareeysa ee maamulka, waxaana dhamaan dadkii goobta ka hadlay ay u hambalyeeyeen ciidamadan cusub ee tababarka loo soo xiray, iyagoona kula dardaarmay in ay ka shaqeeyaan nabadgelyada islamarkaana ay ilaaliyaan hantida shacabka.

Dadkii goobta ka hadlay ayaa waxa kamid ahaa madaxweeyne ku xigeenka maamulka Jubbaland Jen C/laahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, waxaana uu sheegay in ciidamadani ay yihiin kuwii ugu horeeyay ee Boolis ah ee ka howlgala Kismaayo, wuxuuna ugu baaqay in ay howshooda uga soo baxaan si daacadnimo ah.

“Waxaa tihiin curadka ciidamada Jubbaland, laga bilaabo maanta adinka ayaa ka masuul ah ammaanka magaalada Kismaayo,” ayuu yiri masuulkan oo la dardaarmayay ciidamadii tababarka loo soo xiray.

Ciidamadan maanta tababarka loo soo xiray ayaa kusoo beegmaya xilli maalmihii u danbeeyay ay magaalada Kismaayo ka soconayeen dadaallo la doonayo in lagu xaqiijiyo amniga kadib markii ay dhawaan magaalada ka dhaceen falal lidi ku ah ammaanka.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya