4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 28, 2013
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Xubno ka tirsan Wasiiradiisa oo booqday Xaruntii Turkiga ee shalay la Qarxiyay (SAWIRRO)



Axad, July 28, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon iyo qaar ka mid ah golihiisa wasiirrada ayaa saaka booqday xarun ay deggenaayeen shaqaale Turki ah oo shalay ay Al-shabaab la beegsaday weerar ismiidaamin ah oo geystay khasaarooyin dhimasho iyo mid dhaawac.

Booqashadan qayb ka ahaa danjiraha Turkiga u jooga Soomaaliya oo ay la socdeen ciidammo Turki ah iyagoo u kuurgalay sida uu qaraxu u saameynta ugu yeeshay xaruntaas, waxayna warbixin ay ka dhegeysteen shaqaalihii ku sugnaa goobtaas markii uu weerarku dhacayay.

Booqashada kaddib ayaa waxaa shir jaraa’id ku wada-qabtay dhismaha la weeraray, ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo danjire Kamaludin Kani Torun oo sheegay in weerarkan uu ahaa mid fulaynimo.

“Waxaan ka tacsiyeynayaa dhibaatadii halkan ka dhacday, si adag ayaana u cambaareynayaa, weerarkanna wuxuu ahaa mid fulaynimo oo ay Al-shabaab geysatay,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Saacid oo tacsi u diray ehelladii waayay dadkoodii ay jeclaayeen iyo qoyska ardaygii Soomaaliyeed ee qaraxa naftiisa ku waayay.

“Ma illaawi doonnno kaalmooyinka ay dowladda iyo shacabka Turkiga ay mar walba la garab-taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed iyo waqtigii adkaa ee ay garab-istaageen ummadda Soomaaliyeed,” ayuu saacid ku daray hadalka uu warbaahinta siiyay isagoo xusay in dawladda Soomaaliyeed ay xoojinayso amniga dalka si qaab nabadeed ay ugu fulaan howlaha isugu jira gargaarka iyo dib u dhiska ay Turkigu ka wadaan Soomaaliya.

Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya, Kamaludin Kani Torum ayaa isna sheegay in dowladda Turkiga ay sii wadi doonto taageerada ay siiyaan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ayna sii ballaarin doonaan mashaariicda ay Somalia ka wadaan.

“Weerarkii argagaxiso ee shalay lala beegsaday xarunteennan isma hortaagi doono howlaha gargaar ee aan Soomaaliya kawado, waxaana caddeynayaa in howlahaas ay sii socon doonaan lana ballaarin doono,” ayuu yiri Torum.

Ugu dambeyn, ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaakormeeray dayactir ay shaqaalaha Turkigu kawadaan waddada isku xirta garoonka Aadan-cadde iyo isgoyska KM-4, waxaana ra’iisul wasaaruhu uuxusay in dawladda Turkigu ay uga mahad-celinayaan kaalinta horumarineed ee ay ka wadaan dalka.

















Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya