3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 28, 2013
Ra'iisul wasaaraha Turkiga oo ka hadlay weerarkii ay Al-shabaab ku qaaday Xarun ay Turkigu ku lahaayeen Magaalada Muqdisho
Recep-Tayyip-Erdogan-006.jpgAxad, July 28, 2013 (HOL) - Ra'iisul wasaaraha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ka hadlay qaraxii maalintii shalay ahayd lala beegsaday safaaradooda magaalada Muqdisho.

Erdogan ayaa Alshabaab ku tilmaamay inay muslimnimo sheeganayaan haddana ay weerarayaan kuwa walaalahooda caawinaya.

"Waxaa maanta Soomaaliya naga soo gaaray war xun, dhismaha shaqaalaha safaarada Turkiga ayaa lasoo weeraray, nasiib darro waxaan ku waynay hal askari, saddex muwaadin ooTurki ahna waa ku dhaawacmeen" ayuu yiri Erdogan.

"Kuwii weerarkan ka dambeeyay waxay isku sheegayaan muslimiin, yay u socdaan? ma safaarada Turkiga, maxay sidaas u yeelayaan? soo ma oga inaan adeegyo kala duwan u fidinayno walaalaheena Muqdisho ku nool". ayuu is waydiiyay Erdogan oo ay caro hadalkiisa ay ka muuqato.

Wasiirkiisa arrimaha dibadda Axmed Davutoglu ayaa isna bartiisa Twitterka ku soo qoray "Hal askari ayaa nooga shahiiday, waanku faraxsanahay inaysan nagu dhicin geeri intaa ka badan".

Kooxda Alshabaab ayaa iyadu sheegatay masuuliyada weerarkii shalay lagu qaaday safaarada ay Turkigu ku leeyihiin magaalada Muqdisho ee caasimada waddanka Soomaaliya.

Dalka Masar

Ra'iisul wasaare Erogan oo ka hadlayay Kulan afur ah oo ay isugu yimaadeen Warshadleyda iyo ganacsatada waaweyn ee dalka Turkiga oo ka dhacay magaalada Istanbul ayaa sidoo kale farriin u diray caalamka Islaamka iyo wadamada reer galbeedka oo uu ku tilmaamay inay labo wajiilayaal yihiin marka laga hadlayo Dimuqraadiya isagoo ku eedeeyay inay ka aamusanyihiin xasuuqa ay militariga Masar ka wadaan dalkooda.

"Xasuuqa maanta ka dhacay Masar kama aamusayno, meeye kuwii qaylinayay markii aan sunta dadka ka ilmaysiisa u isticmaalnay dibadbaxyadii ka dhacay Istanbul, maxay uga hadli la'yihiin xasuuqa lagu hayo dadka reer Masar oo madaxweynahoodii cinqilaabka lagu riday" ayuu yiri Erdogan.

Maalintii shalay ahayd ayaa dalka Masar lagu dilay 150 ruux, 4000 oo kalana dhaawacyo ayaa soo gaaray kuwaasoo ahaa taageerayaasha Maxamed Mursi madaxweynihii la afgambiyay ee waddanka Masar.


Axmed C/samad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya












Click here
7/28/2013 2:26 PM EST
Axad, July 28, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehliyaan wasiirrada arrimaha gudaha iyo ammaanka iyo wasiirka difaaca ayaa maanta booqday safaaradda Turkiga ee Soomaaliya; isagoona gudaha safaaradda kulan kula qaatay danjiraha Turkiga u fadhiya Soomaaliya, Kamaludin Kani Torun.

7/28/2013 1:19 PM EST
Axad, July 28, 2013 (HOL) — Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka dowladda Soomaaliya, Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa maanta hortagay xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo su’aalo kala duwan laga weydiiyay falalkii ammaan-darro ee ka dhacayay xilliyadii ugu dambeeyay gobolka Shabeellada Hoose.

7/28/2013 1:19 PM EST
Axad, July 28, 2013 (HOL) — Tartan kubadda cagta ah oo lagu maamuusayo bisha barakaceysan ee Ramadaan ayna soo qabanqaabisay hay’adda SYAO oo arrimaha dhalliyarada ka shaqeysa ayaa ka socda xeryaha qoxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya.

7/28/2013 12:41 PM EST
Axad, July 28, 2013 (HOL) — Golaha wasiiradda xukuumadda Soomaaliya ayaa kulan ay maanta ku yeesheen Muqdisho ku meel-mariyay miisaaniyad gaar ah oo loogu talogalay mushaaradka ciidamada dowladda Somalia, taas oo ay soo gudbisay wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya.

7/28/2013 8:00 AM EST
Axad, July 28, 2013(HOL) :- Munaasibad ka dhacday Saldhigga dhexe ee degmada Kismaayo islamarkaana ay kasoo qeybgaleen masuuliyiinta ugu sareeysa ee maamulka Jubbaland ayaa lagu soo bandhigay ciidamado gaar ah oo ka shaqeyn doona amniga magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose.

7/28/2013 7:43 AM EST
Axad, July 28, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon iyo qaar ka mid ah golihiisa wasiirrada ayaa saaka booqday xarun ay deggenaayeen shaqaale Turki ah oo shalay ay Al-shabaab la beegsaday weerar ismiidaamin ah oo geystay khasaarooyin dhimasho iyo mid dhaawac.

7/28/2013 6:31 AM EST
Axad, July 28, 2013 (HOL) — Hay’adda gargaarka bani’aadamnimo ee Afrika (HARO) oo caawisa dadka dhibaateysan ayaa horraantii bisha Ramadaan ka billowday qaar ka mid ah gobollada Soomaaliya masahaariic ay ugu magac-dartey afurinta dadka masaakiinta ah ee aan heli karin waxay ku afuraan, iyadoo mashruucan uu ahaa mid ay horey hay’addu uga sameyn jiray dalka Soomaaliya.

7/28/2013 6:02 AM EST
Axad, July 28, 2013 (HOL) — Waxgaradka Soomaaliyeed ee ku nool magaaladda Minneapolis ee gobolka Minnesota ee dalka Mareykan ayaa xalay afur mahadcelin ah u sameeyay Metin Centiner oo ah agaasimaha xiriirka caalamiga ah ee hey’adda Kimse Yok Mu oo ah hey’adda laga leeyahay dalka Turkey, isla markaana kaalmada ugu badan siisa dalka Soomaaliya.

7/28/2013 5:54 AM EST
Axad, July 28, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa xalay kulan looga hadlayay ammaanka Muqdisho la yeeshay taliyeyaasha ciidamada dowladda, taliye xigeennada, guddoomiye-yaasha degmooyinka gobolka Banaadir, guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo wasiirro ka tirsan xukuumadda.

7/28/2013 5:04 AM EST
Axad, July 28, 2013 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa ku hanjabtay inay kordhin doonto weerarrada ay la beegsanayso shaqaalaha Turkiga ah ee ku sugan magaalada Muqdisho, iyagoo sheegay inay Turkigu qayb ka ahaayeen duullaanno lagu qaaday dalal muslimiin ah oo caalamka ku yaalla.

7/28/2013 5:02 AM EST
Axad, July 28, 2013 (HOL) — Dowladda Turkiga ayaa shaacisay in askari ka mid ah ciidamadooda ilaalada ka haya safaaradda Turkiga ee Soomaaliya uu ku dhintay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee shalay lagu qaaday dhismaha ay deggen yihiin shaqaalaha Turkiga ah ee ku sugan Soomaaliya, saddex kale lagu dhaawacay weerarkaas.