4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 27, 2013
Tartan Xifdinta Quraanka Kariimka ee Ramadaanka oo lagu soo gunaanaday Degmada Boorama ee Gobolka Awdal (SAWIRRO)


Sabti, July 27, 2013 (HOL) — Magaalada Boorama ee gobolka Awdal ayaa lagu soo gabagabeeyay tartankii sideedaad ee xifdinta Qur’aanka kariimka ah ee bisha Ramadaa, waxaana abaalmarinno kala duwan lagu siiyay arday ku guuleystay kaalimaha hore ee tartanka.

Tartankan oo lagu soo gaba-gabeeyay masaajid qadiimiga ah ee Magaalada Boorama, waxaana kasoo qayb-galay gabagabeynta tartankan salaadiin, culimmaa’uddiin, arday, waaliddiin iyo dadwayne aad u tiro badan.

Sheekha magaalada Boorama, Sheeekh Cabdullaahi Sheekh Cali Jawhar oo kulankan ka hadalay ayaa tilmaamay in barashada iyo akhrinta Qur’aanka kariimka ah ay tahay mid ahmiyad balaaran u leh bulshada, sidoo kalana loo baahan yahay in bahda ku guulaysatay tartarkan Qur’aanka ay noqdaan kuwo mas’uuliyadda diinta u xambaara Bulshada.

“Waxaa loo baahan yahay inaad noqotaan kuwii bedela culummada maanta oo diinta Alle xambaara, si ay taasi idiin kugu suuro-gasho waxa loo baahan yahay inaad noqotaan kuwo wada-barta culuunta diinta iyo mmidda maadiga ah, waxaana idinka kula dardaarmayaa inaad is-tiraahaan Qur’aanka ayaad barateen ee masaajidka gala oo faraha ka qaada cilmigii kale ee bulshada,” ayuu yiri Sheekh C/llaahi Sheekh Cali Jowhar.

Sidoo kale, waxaa goobta ka hadlay Sheekh Cali Aadan oo ah guddoomiyaha tartanka sideedaad ee xifdinta Qur’aanka kariimka ee bisha Ramadaan oo ka warramay marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray tartankan ayaa yiri:

“Tartankan waxaa kusoo tartamay 303 arday oo ka kala socday 38 dugsi oo magaalada Boorame ku yaalla, iyadoo madarasad walba ay ka socdeen wiilal iyo gabdho arday ah; kuwaasoo ku tartamayay seddex heer oo kala ahaa 30-ka juz, 15-ka juz iyo shanta jiz oo ay ku tartamayeen arday ay da’doodu ka yarayd 10-ka sano.”

Isagoo hadalkiisa isi wata ayuu Sheekh Cali Aadan yiri: “Dhowr marxaladood kaddib waxaan maanta abaal-marinno siin doonnaa 36 arday oo wiilal ah iyo gabdho isugu jiray kuwaasoo ku kala guuleystay seddexda heer tartanku ka koobnaa iyo arday kale oo la siin doono Xaqul-ciid maadaama oo ay tartanka meel fiican ka gaadheen.”

Sheekha ayaa u mahadceliyay Nimco Xaaji Abuubakar oo uu ku tilmaamay inay tahay ruuxii dhiiri-galisay in la joogteeyo tartankan Qur’aanka kariimka ah ee magaalada Boorama iyo ganacsatada magaalada oo uu sheegay inay bixiyeen dhammaan lacagihii tartanka lagu qabtay.

Suldaan Cabdiraxmaan Jaamac Dhawal oo isaguna ka hadalay halkaasi ayaa aad u soo dhaweeyay tartankan la qabtay, wuxuuna hambalyay ardayda ku guulaysatay tartankan, sidoo kalena wuxuu ku waaniyay waaliddiinta kale in ay ka qayb noqdaan tartanka oo ay ku dhiirri-galiyaan ilmahooda barashada Qur’aanka kariimka ah.

Tartankan ayaa waxaa ardaydii ku guulaysatay oo wiilasha iyo gabdho isugu jiray la gudoonsiiyay abaalmarinno isugu jiray, lacag, shahaadooyin iyo kutubta Qur’aanka Kariimka ah.









Khadro Xasan Nuux, Hiiraan Online
[email protected]
Boorame, Somaliland