4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 27, 2013
WASIIRKA ARRIMAHA DIBADDA SOMALILAND: “Kama Qayb-galayno shir aan u daba-fariisanayno Madaxweynaha Somalia”


Sabti, July 27, 2013 (HOL) — Wasiirka cusub ee Arrimaha dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, ayaa sheegay in weftigi midowga Yurub ee booqashada ku yimid Hargeysa u sheegeen in Somaliland iyo Soomaaliya laba marxaladood ku kala jiraan, isla markaana ay laba dal kala yihiin.

Sidaasna wuuxu ka sheegay xaflad uu maanta kula wareegayay xilka oo oo lagu qabtay Hargeysa, waxaana munaasabaddaas ka qayb-galay, wasiirro, xidlhibaanno, guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID, Faysal Cali Waraabe, siyaasiyiin iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay munaasabadda.

Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Somaliland, Maxamed Cabdilaahi Cumar ayaa ka waramay mudadii saddexda sanno ahayd ee uu xilkaasi hayey, waxaanu sheegay inuu wax badan ka qabtay wasaarada, isla markaana uu sameeyey siyaasad cusub oo uu caalamka kaga iibiyo qadiyadda iyo horumarka ay gaadhay Somaliland.

“Waxaan dhaxlay Somaliland oo siyaasadeedda arrimaha diabdda go’doon kaga jirto caalamka, dal ka maqan fagaarayaasha caalamka, waxaanan qaadanay qaab siyaasadeed dunida looga iibiyo qadiyadda Somaliland oo fagaarayaasha caalamka iyo mandaqada laga dhex muuqdo, waxaan qaadanay siyaasad dibadeed oo ka turjumaya baahida qaranka”ayuu ydhi wasiirkii hore arrimaha diabdda Maxamed Cumar, waxaanu sheegay inay talaabadaasi uu qaaday guulo badan oo dhaqaale iyo xidhiidh caalami ah uu ku helay.

Waxa uu sheegay inuu sameeyey qorshe ku dhisan shan tiir oo lagaga baxayo go’doonka somaliland kaga jirtay siyaasada arrimaha dibadda, waxaanu sheegay inay shantaasi qodob kala ahaayeen in la kordhiyo xidhiidhka caalamka lala leeyahay, in laga qaybgalo shirarka caalamka iyo geeska afrika oo somaliland ka dhex muuqato, in la kordiyo mucaawimooyinkii Somaliland la siin jiray oo dawlad ahaan toos loo siiyo, iyo in fagaarayaasha caalamka ka muuqato waxna laga waydiiyo mandaqadda, isla markaana caalamku xidhiidh toos la yeesho Somaliland.

“Shirkii ugu horeeyey ee aanu ka qaybgalno ee London wuxu ahaa kii aduunku ku garwaaqsatay Somaliland, waxaana dalalka ka soo qaybgay ay ogaadeen inay Somaliland tahay dal maamul iyo kala dambayn iyo nidaam dal iyo dad leh, waxa kale oo ay ogaadeen  inay soomaaliya tahay dal burbursan oo qaramada midoobay u taliso, waxaana la bartay siday kala yihiin, waxaanu shirkaasi muujiyey inay Somaliland caalamka kala shaqan karto arrimo badan”ayuu hadalkiisa raaciyey Maxamed Cabdilaahi.

Maxamed Cumar waxa uu sheegay inay natiijadii shirkaasi ka soo baxay ay keentay inay dalal badani xafiisyo ka furtaan Somaliland iyo in Somliland loo sameeyo sanduuq horumarineed oo u gaar ah, waxa kale oo uu tilmaamay in caalamkii shirkaasi ka soo qaybgalay ay xil iska saareen arrimaha u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya oo la wada hadal siiyo.

Wasiirkii hore arrimaha dibada waxa uu halkaasi ku soo bandhigay waxqabadyo ay u markhaati fureen wasiirka cusub iyo wasiiradii kale ee madasha ka hadlay, iyago xusay inuu wax badan ka qabtay, isla markaana fagaarayaasha caalamka uu geeyey qadiyadda madax banaanidda Somaliland.

Sidoo kale, wasiirka cusub Maxamed Biixi Yoonis, ayaa sheegay inuu dalka ka maqnaa afartan sanno, balse  uu ka war hayey oo uu wax badan ka taray Somaliland lana socday marxaladaha kala duwan ee ay Somaliland marayso, waxaanu sheegay in dalal badan oo Afrika oo uu ka soo shaqeeyey ay Somaliland ka wanaagsan tahay.

Wasiirka cusub waxa uu shacabka mucaarad iyo muxaafadba ka codsaday in lala shaqeeyo oo wixii dhaliiil ah qoraal loogu soo gudbiyo balse aan warbaahinta la iska weerarin.

Sidoo kale, waxa uu ka hadlay shirka dhowaan ka dhici doonnaa  Brussels ee dalka  Biljam, waxaanu sheegay inay weftigii ka socay midowga Yurub ee Somaliland uu ku qanciyey in aanay isku xaalad ahayn Somaliland iyo Soomaaliya.

“Midowga Yurub waanu u sheegnay in aanan isku marxalad ahayn Somaliland iyo Soomaaliya oo soomaaliya marayso halkii Somaliland maraysay labaatan sanno ka hor, oo isku baahi ahayn,hawlaha iyaga loo qabanayo iyo kuwo aan anagu qabsanayno way kala duwan yihiin, halka ay marayso waa meel aanu bari hore ka soo gudubnay, waana u sheegnay in qadiyadda Somaliland ka duwan tahay Soomaaliya,marka waa in mid walba axdigan cusub lagu saleeyaa halka ay qolo walba  marayso” ayuu yidhi wasiirka cusub Maxamed Biixi oo ka hadlayey shirka midowga Yurub u qabanayso Soomaaliya, waxaanu intaas ku daray “kama qaybgalayno shir aan u daba fadhiisanayno madaxweynaha Soomaaliya, waxaana ku qancinay weftigii midowga Yurub in laba dal oo walaalo ah oo jaar ah  nahay oo kala baahi ah, marka wada hadal ayaa noo socda qoladda shirka wadda, haseyeshee waanu u sheegnay inay aad u kala fog yahay Xamar iyo Hargeysi, wayna garowsadeen, waxaana ku qancinay in laba nidaam loo kala sameeyo oo mid waliba ku salaysan yahay halka wax u marayaan iyo mid waliba qadiyadiisa gaarka ah”

Sidoo kale, waxa isaguna halkaasi ka hadlay gudoomiyaha mucaaradka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe, waxaanu sheegay in shirka midowga Yurub qabanqaabinayso talloqaran laga yeesho, isla markaana siyaasad cad laga yeesho ictiraaf raadinta Somaliland.




Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online 
[email protected]  
Hargeysa, Somaliland