4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 27, 2013
Kulan looga Hadlayay waxay Diinta Islaamku ka Qabto in la dilo ruux Muslim ah oo lagu qabtay Magaalada Muqdisho (SAWIRRO)


Sabti, July 27, 2013 (HOL) — Kulan looga hadlayay waxa Diinta Islaamku ay ka qabto dilka qofka muslimka ah iyadoo Ramadaan lagu jiro ayaa maanta aglu qabtay Muqdisho, waxaana ka qaybgalay culumaa’uddiin ka kala socday bulshada qaybaheeda kala duwan.

Kulankan oo ay soo qaban-qaabisay hay’adda wadahadalka bulshada ee CCD ayaa culummadii ka qayb-gashay waxay halkaas ka jeediyeen sida ay diinta islaamku ka qabto in qof muslim ah la dilo ama lagu baaqo dagaal; iyagoo soo daliishanayay axaadiis iyo ayaado Qu’aan.

"Bisha Ramadaan waa bil cibaado, raxmad iyo dambi dhaaf leh, waxaa baas leh kuwa ku bishaareynaya inay dadka argagax-gelinayaan, inay yiraahdaan waxaa ku cibaadeysaneynaa daadinta dhigga muslimiinta, taas waxba kama jirto ayaa leenahay diinta Islaamkana meel kama soo gasho," ayuu Sheekh C/qaadir Soomow ka sheegay kulanka.

Wuxuu hadalkiisa ku daray Sheekh Soomow in qofka muslimka ah looga baahan yahay inuu ka nabad-galo qofka kale ee muslimka ah, in dhiigga ruuxa muslimka ah la daadiyana ay tahay mid aan bannaaneyn oo xaaraan ah.

Sheekh Muuse Cagaweyne oo ka mid ahaa culimmadii ka hadashay kulanka ayaa sheegay in dagaallada ka socda Soomaaliy ay yihiin kuwo fidno ah oo  lagu dhibaateynayo dadka Soomaaliyeed, ayna ku baaqayaan in la joojiyo oo nabad wax walba lagu dhameeyo.

Sidoo kale, Sheekh Axmed Shuqul Sheekh Aadan Dheere oo isaguna hadlay ayaa sheegay in looga baahan yahay dowladda inay waajib iska saarto sidii looga hortegi lahaa dhibaatooyinka dalka ka dhacaya, iyadoo shacabkeeda kaashanaysa, wuxuuna caddeeyay in amniga uu ummadda dan u yahay.

Dhanka kale, waxaa isaguna hadlay, Sheekh Cumar Xerow oo sheegay in daadinta dhiigga Islaamka aanay banaaneyn haddii ay tahay maalinta Beder ama maalin kale, isla markaana dhiigga qofka muslimka ah la xarimay in si aan sharci ahayn loo daadiyo.

Waxaa kaloo isaguna hadlay, Sh. Maxamed Jaamac iyo Sheekh Maxamed C/raxmaan oo sheegay in loo baahan yahay in bulshada la wacyi-geliyo, lana gaarsiiyo risaalada dhabta ah ee diinta islaamka, iyagoo caddeeyay in diinta Islaamka aanay qabin in ummadda cibaadeysanaysa oo u taagan Alle bariga in la qarxiyo oo la cabsi-geliyo.

Ugu dambeyn, culummada ayaa soo jeediyay ummadda Soomaaliyed ay Alle u laabtaan, isla markaana towbad keenaan, Allena ay ka baryaan inuu ka dul-qaado dhibaatada.





Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya