4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 27, 2013
Madaxweyne Siilaanyo oo Hadiyado Guddoonsiiiyay Ardaydii ku Guulaystay Tartankii Qur’aanka ee Bisha Ramadaan (SAWIRRO)


Sabti, July 27, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Silaanyo, ayaa xalay waxa uu qasriga madaxtooyada ku qaabilay Ardaydii Tartanka Qur’aanka Kariimka ku guulaysatay Kaalmaha hore ee Koowaad, Labaad, Saddexaad iyo Afraad.

Kulankan oo ahaa mid aan noociisa hore uga dhicin sida ay sheegeen Culimadu waxa uu ahaa mid xaga madaxweynaha ka yimid markii uu u fidiyey Ardaydaa qaaliga ah ee Xiftisan quraanka kariimka ah iyo Culimadii soo qaban qaabisay iyo weliba macalimiintii qiimaha mudnaa ee ardaydaasi xiftisiiyey Qur’aanka.

Ardayga ku guulaystay kaalinta koowaad oo la yidhaahdo Cabdirisaaq Cabdilaahi Maxamed kana socday Gobolka Sool waxa la gudoonsiyey Gaadhi nooca loo yaqaan Indha-cadaha oo cusub iyo sidoo kale Lacag iyo Kutub.

Waxa kaalinta labaad ku guulaystay Mahad Cali Xuseen oo ka socday Gobolka Maroodi-jeex ee Hargeysa. Oo la gudooon siyey Laptop iyo $1,000 iyo hadyado kala duwan oo ay ka mid yihiin kutub saacado.

Waxa sidoo kale kaalinta Saddexaad ku guulaystay  Cabdishaakir Maxamed Axmed oo ka socday Degmada Wajaale waxaanu ku guulaystay Abaal marin ah $800 iyo Mobile Samsung Galaxy 3 ah iyo Hadyado kala duwan.

Halka kaalinta Afraad uu ku guulaystay  Cabdishakuur Axmed Maxamed oo ka socday Gobolka Togdheer ee Burco waxa uu isna ku Kitaab Tafiil ah $500, Saacad iyo hadyado kala duwan oo kale.

Dhinaca kale, Madaxwayne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa isna ka qayb galay munaasibad jaa’isado lagu gudoonsiinayay ardaydii kaalmaha hore ka galay tar-tanka Qur’aanka Kariinka iyo Axaadiista Nebi Muxamed NNKHA.

Munaasibadaasi oo lagu qabtay hudheelka Maansoor ee magaalada Hargeysa ayaa waxaa kasoo qayb galay masuuliyiin ka tirsan xukuumada, culimo aw-diin, hay’ada Al-Xayaat Islamic Fundation oo iyadu tar-tankaasi maal gelisay, waalidiin, arday iyo marti-sharaf kale.

Madaxwayne ku xigeenka Somaliland oo munaasibadaasi hadal ka jeediyay ayaa u mahad naqay hay’ada Al-Xayaat Islamic Fundation oo iyadu soo qaban qaabisay tar-tankaasi, waxaanu tilmaamay in ay xukuumada ka go’an tahay in kor loo qaado culuumta diiniga.

Geba-gebadii munaasibadaasi ayaa madaxwayne ku xigeenka Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici) waxa uu jaa’isado kala duwan gudoonsiiyay ardaydii kaalmaha hore ka galay tar-tankaasi.




Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]  
Hargeysa, Somaliland