4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 27, 2013
Xoogagga Al-shabaab oo Dagaal Muddo saacad ah socday ku Qaaday xalay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay

Sabti, July 27, 2013 (HOL) — Xoogagga Al-shabaab ayaa xalay soo weeraray fariisamo ay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa madaniga ah ee degmada ku leeyihiin xaafadaha Baydhabo, dagaalkaas ayaa socday muddo saacad ah.

Weerarradan ayay Al-shabaab la beegsaday saldhigyada ay ciidamada ay ku lahaayeen, Suuqa Xoolaha Baydhabo, iyadoo la isku weydaarsaday hub kala duwan oo ay ku jiraan kuwa culus, iyadoo dagaalka uu ka dhashay khasaare dhimasho iyo mid dhaawac.

Inkastoo aan la ogeyn khasaaraha dhimasho ee dagaalkan ka dhashay ayaa haddana waxaa dhaawacyadii ka dhashay dagaalka oo u badnaa rayid saaka la gaarsiiyay isbitaalka guud ee Baydhabo, halkaasoo lagu daweynayo.

Kooxda Al-shabaab oo habeennadan weerar joogto ah kawada deegaannada Gobalka Bay , iyadoo sidoo kale kooxda Al-shabaab ay labadii habeen ee ugu dambeeyay ay weerarro joogto ah ku haysay deegaannada Bardaale iyo Aw-diinle oo ka tirsan gobolka Bay.

Magaalada Baydhabo ayaa xilliyada habeenkii ah waxaa lagu arkaa ciidammo ka tisran kuwa dowladda iyo AMISOM oo oo gaaf-wareegaya gudaha iyo daafaha magaalada, sidoo kalena waxay ilaalo xoggan ka hayaan waddoyinka magaalada soo gala.

Al-shabaab ayaa waxay ku dhawaaqday inay weerarro joogto ah ay ku fulin doonto gobollo ay ka mid tahay Bay, iyadoo sheegtay inay bartilmaameedsan doono saldhigyada ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

Hiiraan Online, Baydhabo