3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 27, 2013
Hay'adda HRW oo soo Bandhigtay Warbixin cusub oo ku Aaddan tacadiyada loo gaysto Qaxootiga Soomaalida ah ee ku nool Kenya

Sabti, July 27, 2013 (HOL) — Maxkamadda Sare ee Kenya ayaa 26-ka July, 2013, burisay qorshe ay dowladda uga saaraysay 55,000 oo u badan qaxooti Soomaali ah caasimadda Nairobi iyo magaalooyin kale. Dadkaa ayaa waxaa la geyn lahaa xeryaha qaxootiga, Human Rights Watch ayaa sidaa sheegtay maanta.

Maxkamadda ayaa sheegtay in dib u celinta ay macquul tahay in ay wax u dhinto sharafta qaxootiga iyo weliba xuquuqda ay u leeyihiin dhaqdhaqaaqa xorta ah, waxayna sahlaysaa in si aan toos aheyn loogu qasbo in dib loogu celiyo Soomaaliya. Sidoo kale waxa ay maxkamaddu sheegtay in mas’uuliyiinta aanay caddeyn in dib u celinta qaxootiga ay gacan ka geysanayso ilaalinta amniga qaranka, kadib weeraro bambaano oo taxane ahaa oo ka dhacay gudaha Kenya oo ay geysteen dad aan la aqoonsan haybtooda.

Booliska ayaa waxa ay u gaysteen xadgudubyo socday 10 todobaad qaxootiga Soomaalida iyo Itoobiyaanka ah iyo dadka magangalyo doonka ah ee ku sugan magaalada Nairobi – xadgudubyadaas oo ay ka mid ahaayeen jir dil iyo kufsi – dabayaaqadii 2012-ka iyo bilowgii 2013-ka. Booliska ayaa qaxootiga ku tilmaamay “argagixiso” waxayna sheegeen  in ay tahay in qaxootiga la geeyo xeryaha.

“Go’aanka maxkamadda ayaa waxa uu laabqaboojin u yahay oo soo dhaweynaya 55,000 oo qaxooti ah oo ku nool magaalooyinka waa weyn wuxuuna go’aanka xasuusinayaa mas’uuliyiinta in aanay ku tuman karin xuquuqda qaxootiga,” waxaa sidaasi yiri Gerry Simpson, oo ah sarkaal sare oo Human Rights Watch u qaabilsan cilmibaarista qaxootiga. “Go’aanka maxkamadda wuxuu  fariin culis u dirayaa mas’uuliyiinta fariintaas oo ah in la joojiyo cagajugleynta iyo dhibaatooyinka dhawaanahan lagu hayay qaxootiga jooga Nairobi.”

Mas’uuliyiinta waa in ay ilaaliyaan qaxootiga Nairobi ku nool, oo ay u ogolaadaan kooxaha Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga in ay caawiyaan, oo si degdeg ahna baaritaan ugu sameeyaan ciidamada booliska ee mas’uulka ka ahaa xadgudubyadii ba’naa ee loo geystay qaxootiga sanadihii 2012-ka iyo 2013-ka, Human Rights Watch ayaa sidaa sheegtay.

Bishii Janaayo, hay’ad Kenya laga leeyahay oo aan dowli aheyn oo loo yaqaan Kituo Cha Sharia (Xarunta Sharciga) ayaa waxa ay gaysay maxkamadda dacwad ay kaga soo horjeedo sida uu sharci darro u yahay qorshihii dib u celinta qaxootiga ee bishii Diseembar 2012-ka, kaasoo looga dan lahaa in dhamaan qaxootiga ku nool magaalooyinka waa weyn iyo dadka magangalyo doonka ah in ay isaga baxaan magaalooyinka Kenya, lana geeyo xeryaha qaxootiga ee aan nadiifka aheyn ee buux dhaafay.

Maxkamadda sare ee Kenya ayaa waxa ay horay amar ugu bixisay in mas’uuliyiinta ay joojiyaan qorshaha dib u celinta qaxootiga tan iyo inta ay maxkamaddu go’aan ka gaarayso. 26-ka July, maxkamadda ayaa waxa ay xukuntay in qorshuhu uu xadgudub ku noqon doono xuquuq badan oo ay leeyihiin dad badan oo qaxooti ah, oo ay ka mid tahay xuquuqda dhaqdhaqaaqa xorta ah, xuquuqda ay u leeyihiin sharaftooda, iyo xaqa ay u leeyihiin in aan si qasab ah loogu celin karin shaqaaqadii ay ka soo carareen, taasoo ay maxkamaddu sheegtay in ay suuragal noqon laheyd haddii si “qalafsan” loogu qasbo in lagu celiyo xeryaha liita ee ku yaal xudduuda Soomaaliya.

21-kii Janaayo, Human Rights Watch waxa ay ugu baaqday mas’uuliyiinta in ay meesha ka saaraan qorshaha dib u celinta qaxootiga, iyadoo sheegtay in Kenya ay ku guuldareysatay in ay soo bandhigto, sida uu sheegayo sharciga caalamiga ah, oo ah in qorshaha lagama maarmaan uu u yahay in la horumariyo amniga qaranka ama uu yahay waxa ugu yar ee la sameyn karo si wax looga qabto dhibaatooyinka ammaanka qaranka ee Kenya. Human Rights Watch waxa ay sheegtay in qorshuhu sidoo kale uu faquuqay qaxootiga sababtoo ah hannaanka ayaa u ogolaanayo muwaadiniinta Kenya in ay si xor ah u socdaalaan una diidaya qaxootiga isla xuquuqdaas.

Human Rights Watch ayaa sidoo kale sheegtay in laga qaado tobanaan kun oo qaxooti ah magaalooyinka waa weyn oo la geeyo xeryaha qaxootiga ee la daalaa dhacaya hoos u dhac maalgelineed oo gaaraya in ka badan 100 milyan oo doolar ayaa waxa ay xadgudub ku noqonaysaa xuquuq badan oo ay leeyihiin, waxaana ka mid ah xaqa ay u leeyihiin in ay si xor ah u safraan, in aan si qasab ah looga rarin guryahooda, iyo in aanan la dhimin xaqa ay u leeyihiin in ay helaan xuquuqda asaasiga ah – sida cunada, nolosha, daryeelka caafimaad, iyo waxbarashada.

Saraakiishii ku dhawaaqay qorshaha dib u celinta ayaa bishii Diseembar sheegay in ay arrinta xigi doonto ay noqon doonto dib u rarid lagu sameeyo qaxootiga Soomaalida ah ayadoo la geynayo Soomaaliya, inkastoo dhab ahaantii inta badan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya si weyn aanu u sugneyn ammaanka oo ay ka socdaan dagaallo, dilal, xadgudub aan loo meeldayin oo loo geysto dadka rayidka ah, iyo galaangal xaddidan oo ay hay’addaha gargaarka ku leeyihiin halkaa.

Human Rights Watch waxa ay ku celcelisay baaqeeda ay u jeedinaysay mas’uuliyiinta Kenya ee ahaa in aanay ku qasbin qaxootiga in ay ku laabtaan Soomaaliya. Caddaadiska noocaas ah ayaa waxa uu keenayaa in Kenya ay jabiso waajibaadkeeda ah in aanay si sandulle ah qaxooti ugu celinin xaalado shaqaaqo iyo dhibaatooyin baahsan.

“Xukunkan waa in uu tusaale hurdo ka kac ah u noqdo mas’uuliyiinta Kenya kaasoo ku aaddan waajibaadka asaasiga ah ee kaga aaddan qaxootiga,” Simpson ayaa sidaa yiri. “Dowladda Kenya waa in aanay ku cadaadin oo aanay ku qasbin qaxootiga in ay dib ugu laabtaan goobo halis ku ah noloshooda iyo xorriyadooda.” Ayuu sii raaciyay masuulkan ka tirsan hay’adda u dooda xuquuqda bini’aadamka ee Human Rights Watch.

Axmed C/samad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi, Kenya













Click here
7/27/2013 1:07 PM EST
Sabti, July 27, 2013 (HOL) — Magaalada Boorama ee gobolka Awdal ayaa lagu soo gabagabeeyay tartankii sideedaad ee xifdinta Qur’aanka kariimka ah ee bisha Ramadaa, waxaana abaalmarinno kala duwan lagu siiyay arday ku guuleystay kaalimaha hore ee tartanka.

7/27/2013 11:18 AM EST
Sabti, July 27, 2013 (HOL) — Saddex qof ayaa ku dhintay sagaal kalena dhaawacyo kala duwan ayaa kasoo gaaray weerar ismiidaamin ah oo maanta gellinkii dambe lala beegsaday dhisme ay deggenaayeen shaqaalaha safaraadda Turkiga ee Muqdisho, taasoo ku taala inta u dhexeysa KM-4 iyo Tarabuunka.

7/27/2013 9:28 AM EST
Sabti, July 27, 2013 (HOL) — Wasiirka cusub ee Arrimaha dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, ayaa sheegay in weftigi midowga Yurub ee booqashada ku yimid Hargeysa u sheegeen in Somaliland iyo Soomaaliya laba marxaladood ku kala jiraan, isla markaana ay laba dal kala yihiin.

7/27/2013 9:08 AM EST
Sabti, July 27, 2013 (HOL) — Jahwareer ganacsi ayaa wali ka taagan magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, waxaana maanta albaabada loo laabay goobihii ganacsiga magaalada, kadib markii ay isku soo baxeen dadweyne ka cabanaya sare u kaca sarifka doolarka iyo korarka qiimaha la kala siisto maciishada.

7/27/2013 8:21 AM EST
Sabti, July 27, 2013 (HOL) — Kulan looga hadlayay waxa Diinta Islaamku ay ka qabto dilka qofka muslimka ah iyadoo Ramadaan lagu jiro ayaa maanta aglu qabtay Muqdisho, waxaana ka qaybgalay culumaa’uddiin ka kala socday bulshada qaybaheeda kala duwan.

7/27/2013 7:41 AM EST
Sabti, July 27, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Silaanyo, ayaa xalay waxa uu qasriga madaxtooyada ku qaabilay Ardaydii Tartanka Qur’aanka Kariimka ku guulaysatay Kaalmaha hore ee Koowaad, Labaad, Saddexaad iyo Afraad.

7/27/2013 7:36 AM EST
Sabti, July 27, 2013 (HOL) — Xoogagga Al-shabaab ayaa xalay soo weeraray fariisamo ay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa madaniga ah ee degmada ku leeyihiin xaafadaha Baydhabo, dagaalkaas ayaa socday muddo saacad ah.

7/27/2013 7:17 AM EST
Sabti, July 27, 2013 (HOL) — Hal qof ayaa ku dhintay, afar kalena way ku dhaawacmeen qarax lagu xiray gaari ay lahayd wasaaradda howlaha guud iyo guriyeynta xukuumadda Soomaaliya oo maanta ka dhacay isgoyska Sanca ee magaalada Muqdisho.

7/27/2013 3:14 AM EST
Sabti, July 27, 2013 (HOL) — Maxkamadda Ciidamada qalabka sidda ee dowaldda Soomaaliya ayaa saakay dil toogasho ah ku fulisay afar askari oo ka tirsan ciidamada dolwadda Soomaaliya, kuwaasoo horay u geystay dilal.

7/27/2013 2:37 AM EST
Sabti, July 27, 2013 (HOL) — Mas'uuliyiinta la wareegay talada dalka Masar aqyaa sheegay in amar lagu bixiyay in la xiro madaxweynihii hore ee Masar, Maxamed Mursi oo dhawaan ay ciidamada xooggu talada ka tureen, iyagoo sheegay su’aalo la weydiinayo.

7/27/2013 2:22 AM EST
Sabti, July 27, 2013 (HOL) — Magaalada Baydhabo ayaa waxaa xalay uu bam-gacmeed ku dilay ganacsade lagu magacaabi jiray Sheekh Saney, iyadoo warar kala duwan ay kasoo baxayaan qaabka uu u dhintay.

7/27/2013 2:05 AM EST
Sabti, July 27, 2013 (HOL) — Waxaa lagu wadaa in 24-ka saac ee soo socda gudahood lagu dhawaaqo isku shaandheyn lagu sameeyay golaha wasiirrada xukuumadda Soomaaliya, iyadoo la kordhin doono golaha wasaaradaha oo haatan ay tiradoodu tahay toban wasaaradood.