4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 27, 2013
Maxkamadda ciidamada qalabka sidda oo dil toogasho ku fulisay Afar askari oo ka Tisranaa Ciidamada Dowladda (SAWIRRO)


Sabti, July 27, 2013 (HOL) — Maxkamadda Ciidamada qalabka sidda ee dowaldda Soomaaliya ayaa saakay dil toogasho ah ku fulisay afar askari oo ka tirsan ciidamada dolwadda Soomaaliya, kuwaasoo horay u geystay dilal.

Afarta askari ee dilka lagu fuliyay ayaa waxaa lagu eedeeyay saddex ka mid ah inay dileen sannadkii 2009 askari kale oo ka tisranaa ciidamada xoogga dalka, halka askariga kalena la sheegay inuu qof rayid ah ku dilay degmada Kaaraan sannadkii hore ee 2012.

Magacyada askarta la toogtay ayaa waxay kala yihiin: Dable, Cali Maxamed Aadan oo 24-jir ahaa, dable, Cismaan Maxamed Diiriye oo 25-jir ahaa iyo dable, Ibraahim Maxamed Xuseen oo 24-jir ahaa kuwaas oo la sheegay inay si wadajir ah u dileen dable, Cabdi Maxamed Axmed (Af-dheere) ayna ku dileen degmada Xamarweyne.

Askariga kale ee dilka lagu fuliyay maanta ayaa wuxuu magaciisu ahaa: dable Xasan Maxamuud Abuukar (Rubac) oo 25-jir ahaa, kaasoo degmada Kaaraan ku dilay qof rayid ah oo lagu magacaabi jiray, C/llaahi Maxamed Xuseen.

Guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida, Liibaan Cali Yaroow oo ka hadlay goobta ayaa sheegay in askartan dilka toogasho lagu fuliya ay ka mid ahaayeen askar horay u geystay dil toogasho oo maxkamaddu ay xukun ku ridday.

Sidoo kale, guddoomiyuhu wuxuu sheegay inay jiraan askar kale oo iyagana lagu xukumay dil toogasho dhawaanna lagu fulin doono xukunnada, isagoo uga digay ciidamada dowladda inay geystaan dilal, taasoo keeni karta in la dilo iyagana.

Goobta uu dilku ka dhacayay oo ahayd iskoolka booliiska Soomaaliya ayaa waxaa ku sugnaa saraakiil ka tirsan ciidanka booliiska Soomaaliya iyo kuwo ka tirsan maxkamadda ciidamada qalabka, sidoo kale waxaa joogay shacab daawanayay sida uu dilku u dhacay.

Ma ahan markii ugu horreysay oo maxkamadda ciidamada qalabka sidda ay fuliso dil noocan oo kale ah, balse labadii sano ee ugu dambeysay ayay dhowr askari ku fulisay maxkamaddu dilal toogahso oo noocan oo kale ah.





Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya