4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 27, 2013
Ganacsade ku Dhintay Bam-gacmeed Xalay Ka Dhacay Baydhabo iyo Warar kala duwan oo kasoo baxaya dhimashadiisa

Sabti, July 27, 2013 (HOL) — Magaalada Baydhabo ayaa waxaa xalay uu bam-gacmeed ku dilay ganacsade lagu magacaabi jiray Sheekh Saney, iyadoo warar kala duwan ay kasoo baxayaan qaabka uu u dhintay.

Wararka qaarkood ayaa sheegaya in bambkaas lagu soo tuuray, halka kuwo kalena ay sheegayaan inuu isagu watay oo ay ku qaraxday, iyadoo maydka ganacsadaha ay goobta ka qaadeen ehelladiisa.

Ganacsadahan ayaa waxay walaalo ahaayeen taliyaha ciidamada dowaldda ee degmada Qasax-dheere ku sugan, Col. Xasan Baydhabo, illaa haddana lama oga sababta keentay dhimashasiisa oo baaritaanno lagu wado.

Dhanka kale, waxaa xalay saaqdii dhexe uu dagaal culus ku dhexmaray inta u dhexeysa degmada Bardaale iyo Aw-diinle ciidamada dowladda Somalia iyo xoogagga Al-shabaab, dagaalkaas oo aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay.

Ururka Al-shabaab oo ka hadlay dagaalkii xalay ayaa sheegay inay khasaare xooggan ugu geysteen ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan gobolka Bay, mana sheegin khasaare dhankooda soo gaaray, mana jiro hadal kasoo baxay dhinaca ciidamada dowladda Soomaaliya oo ku saabsan dagaalkan.

Iskahorimaadkan oo ahaa mid xooggan oo muddo saacado ah socday ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo ciidamada Itoobiya ay toddobaad ka hor isaga baxeen degmada Baydhabo iyo deegaanno kale oo ka tirsan gobolka Bay.

Hiiraan Online, Baydhabo