4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 27, 2013
Isku Shaandheyn lagu Sameynayo Golaha Wasiirrada Soomaaliya iyo Tirada Wasaaradaha Xukuumadda oo la kordhinayo

Sabti, July 27, 2013 (HOL) — Waxaa lagu wadaa in 24-ka saac ee soo socda gudahood lagu dhawaaqo isku shaandheyn lagu sameeyay golaha wasiirrada xukuumadda Soomaaliya, iyadoo la kordhin doono golaha wasaaradaha oo haatan ay tiradoodu tahay toban wasaaradood.

Ilo wareedyo ku dhow xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegaya in tirada golaha wasiirrada ay noqon doonaan 25 wasiir, sidoo kale wasiir ku xigeennadu ay noqon doonaan 20, halka wasiir u dowlayaashana laga dhigi doono shan wasiir u dowle.

Sababta loo kordhiyay golaha wasiirrada xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay inay tahay kaddib markii wasiirrada haatan shaqeeya ay waasarado dhowr ah isku hayaan taasina ay kala kulmeen culeys dhinaca howsha ah, si loo fududeeyo howlaha xukuumadana taasina ay keentay in wasaaradaha tiradooda la kordhiyo.

Wasiirrada haatan shaqeeya ee xukuumadda ayaa qaarkood jagoyinka loo kala bedeli doonaa, halka kuwo ka mid ah ay jagooyinkooda wayn doonaan, sidoo kalena lagu soo kordhin doono kuwo cusub oo qaarkood xilal kasoo qabtay xukuumadihii hore ee KMG-ka ahaa.

“Qorshaha isbedelku waa mid muddo soo socday, waxaana lagu wadaa in maanta ama berri lagu dhawaaqo gole wasiirro oo ka kooban 50, kuwaasoo isugu jira wasiirro, ku xigeenno iyo wasiir u dowlayaal,” ayuu yiri mas’uul ka tirsan xafiiska ra’iisul wasaaraha oo la hadlay HOL.

Howshan lagu ballaarinayo golaha wasiirada ayaa waxay soo socotay muddo bilooyin ah, iyadoo dhowr jeer uu ku yimid ku dhawaaqistooda dib u dhac, taasoo lagu sheegay inuu jiray kala duwanaasho dhanka fikirka ah oo u dhexeeya madaxda dowaldda federaalka Soomaaliya oo ku saabsan tirada laga dhigayo wasiirrada.

Isku shaandheyntan ayaa noqonaysa tii ugu horreysay oo ra’iisul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) uu ku sameeyo golihiisa wasiirrada tan iyo markii uu xilkan loo magacaabay bishii Oktoobar ee sannadkii hore 2012.

Tiradan golaha wasiirada ayaa noqonaysa tii ugu badnayd ee Soomaaliya ay yeelato muddo sannooyin ah, waxaana xukuumadihii ka horreeyay ee KMG-ka ah ay tirada wasiirradooda ahayd ugu badnaan 40-wasaaradood oo isugu jiray wasiirro, ku xigeenno iyo wasiir u dowlayaal.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya