3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 26, 2013
Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Somalia oo Shaaciyay in Lacagta bangiga soo gasha ay kasoo xaroorto Dekedda iyo Garoonka


Jimco, July 26, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha bangiga dhexe ee Somalia, C/salaam Cumar Hadliye ayaa maanta oo Jimco ah sheegay in dhaqaalaha soo gala bangiga uu yahay midka kasoo xarooda ilaha dhaqaaha dalka sida dekedda iyo garoonka diyaaradaha.

Hadliye ayaa sheegay inaysan jirin wax dhaqaale ah oo dibadda ka yimid oo soo galay bangiga, marka laga reebo 17-milyan oo doollar oo ay lahayd shirkad madax-bannaan oo markii dambe si nadiif ah looga saaray bangiga.

“Waxaan halkan ka beeninayaa inaysan waxba ka jirin warbixintii dhawaan ay soo saareen guddiga UN-ka ee daba-galka cunnoqabateynta Soomaaliya iyo Eritrea ayna yihiin kuwo la been abuury oo si khaldan loo tabiyay,” ayuu yiri Hadliye.

Sidoo kale, guddoomiyaha bangiga dhexe ayaa sheegay in muddadii uu ahaa guddoomiyaha bangiga dhexe oo ahayd shan bilood iyo bar aysan jirin wax is-daba-marin ah oo ka dhacay, wax walba oo ka baxayana ay ku baxaan hab sharciyeed sugan.

“Dhaqaalaha bangiga dhexe soo gala waa mid dalka gudihiisa kasoo xarooda mana jiraan wax dhaqaale ah oo dibadda ka yimid oo bangiga soo gaaray. inta aan ogahay dowladdu waxay ku shaqeysaa dhaqaale ay ka hesho shacabkeeda,” ayuu Hadliye hadalkiisa ku daray, isagoo xusay in howsha bangiga ay tahay mid u socota si wanaagsan.

“Warbixintan waxay noqon kartaa mid la doonayo in aniga la igu riixo ama lagu ceebeeyo howlaha bangiga, waxaanan anigu halkan ka sheegayaan in aysan jirin eedeymaha lagu sheegay warbixinta oo howshoodu ay tahay mid saxar la’a,” ayuu guddoomiyaha bangiga dhexe ku sheegay hadal uu siiyay maanta idaacadda ku hadasha afka dowladda Soomaaliya.

Dhanka kale, guddoomiyuhu wuxuu sheegay inay wadaan qorshayaal ay ku doonayaan inay kaga hirgeliyaan dalka saddex bangi oo kuwa ganacsiga ah lana shaqeyn doona bangiga dhexe, isagoo xusay in hirgelinta arrintan ay ka siin doonaan gacan bangiga dhexe ee Turkiga iyo kan dalka Kenya.

Waa markii labaad oo guddoomiyaha bangiga dhexe ee Soomaaliya uu xuso in warbixintii ku saabsanayd in lacago lagala baxay bangiga dhexe oo ay soo saareen guddiga UN-ka ee dabagalka Soomaaliya iyo Eritrea ay tahay mid aanay waxba ka jirin oo been abuur ah.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
7/26/2013 9:34 AM EST
Jimco, July 26, 2013 (HOL) — Madaxii naadiga saxaafadda Soomaaliyeed ahaana suxufi ruug caddaa ah Inj. Mukhtaar Xasan Maxamuud ayaa 10:00 aroornimo ee saakay ugu geeriyooday Muqdisho xanuun muddooyinkii ugu dambeeyay hayay, iyadoo isla maanta la aasay.

7/26/2013 8:53 AM EST
Jimco, July 26, 2013 (HOL) — Wafdi isugu jira Wasiirro iyo xildhibaanno ayaa maanta gaaray deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellada hoose oo ay ka dhaceen dhawaanahan dagaallo beeleedyo ay ku lug lahaayeen ciidammo ka tirsan milateriga Soomaaliya oo u abaabulnaa hab beeleed.

7/26/2013 8:52 AM EST
Jimco, July 26, 2013 (HOL) — Rag lagu eedeeyey inay ka dambeeyeen dil ka dhacay dhawr sanno ka hor jidka isku xidha Gabiley iyo Dille oo muddo dheer arrintaasi ugu jiray xabsiga, ayaa shalay dacwadooddu ka bilaabantay maxkamadda ciidamadda Somaliland.

7/26/2013 8:48 AM EST
Jimco, July 26, 2013 (HOL) Ciidamada booliiska iyo nabadsugidda dowladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa AMISOM ayaa Muqdisho ka billaabay howl-gallo lagu sugayo ammaanka, kuwaasoo socon doona xilliyada habeenkii ah iyo maalintii.

7/26/2013 6:41 AM EST
Jimco, July 26, 2013 (HOL) — Warbixintii dhawaan ay qaramada midoobay u gudbiyeen gudiga u xilsaaran ilaalinta cunaqabataynta saaran wadamada Soomaaliya iyo Eritrea ayaa soo bandhigay in Burcad badeeda Soomaalidu ay ilaalshaan maraakiibta sida sharci darrada uga kalluumaysta badaha Soomaaliya si ay uga kabto hoos u dhicii ku yimid dakhligooda kadib markii ay yaraadeen maraakiibtii ay afduubka ku qabsanayaan.

7/26/2013 5:03 AM EST
Jimco, July 26, 2013 (HOL) — Saraakiil u hadlay maamulka Obama ee dalka Mareykanka ayaa sheegay in Mareykanka uu taageero muuqata ka geystay dagaalladii ay ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda ay Al-shabaab kaga saareen deegaanno badan oo ku yaalla Koonfurta Soomaaliya oo ay ka mid tahay Muqdisho.

7/26/2013 4:57 AM EST
Jimco, July 26, 2013(HOL):- Ururka Samafalka Wadaniga ee SADO ayaa gudaha magaalada Kismaayo waxaa uu gargaar raashineed ugu qeybiyey dad ka badan ilaa 1500 oo qoys oo u badan qoysas dan yar ah oo qaar kood aanan awoodin inay gataan raashin ay ku afuraaan, iyadoona raashinka la siiyey qoysaskaasi uu ahaa deeq ka timid Hay,adda Samafalka Caalamiga ee Solidarity Islamic France oo ugu talagashey bishan Ramadaan dadka dhiban.

7/26/2013 4:14 AM EST
Jimco, July 26, 2013 (HOL) — Xoogagga Al-shabaab ayaa xalay weerarro ka fuliyay qeybo ka tirsan gobolka J/hoose oo ay ku suganyihiin ciidamada dowladda Soomaaliya, kuwa Raaskaambooni iyo ciidamada nabad ilaalinta midowga Afrika ee AMISOM.