4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 26, 2013
Rag Eedeysanayaal ah oo loo Haysto in ay Dil Geysteen Muddana xirnaa oo markii ugu Horreysay Dacwaddooda la guda-galay

Jimco, July 26, 2013 (HOL) — Rag lagu eedeeyey inay ka dambeeyeen dil ka dhacay dhawr sanno  ka hor jidka isku xidha Gabiley iyo Dille oo muddo dheer arrintaasi ugu jiray xabsiga, ayaa shalay dacwadooddu ka bilaabantay maxkamadda ciidamadda Somaliland.

Haseyeeshee qaraabada raggan eedeesanayaasha ah ayaa sheegay in ragan si juujuub ah loo geeyey maxkamadda, isla markaana aan la ogaysiin eheladoodii taas oo uu ku tilmaameen mid aan haboonayn.

Sidoo kale, waxay eheladda ragan lagu eedeeyey dilkaasi ayaa sheegeen inay khalad tahay in maxkamad Militari la saaro, maadaama oo ay ragani yihiin kuwo shacab ah loona baahan yahay in si cadaaladda loo baadho kiiskoodda.

“Waxaa raggan si qarsoodi ah loo keenay maxkamadda militariga oo la doonayey in si juujuub ah loo xukumo, iyadoo aan cidna la ogaysiin xiitaa eheladii nimankan looma sheegin, markii aan is yidhi galna waa la ii diiday oo waxa la yidhi ma galaysid”ayuu yidhi Caaqil Maxamed Xasan Samatar oo ah caaqilka eedeesanayaasha oo u waramayey HOL.

Caaqil Samatar wuxu sheegay in Looyarkii u doodayey ragan uu iscasilay ka dib markii uu arkay in aan si sharci ahayn loo doonayo in loo xukumo ragan oo aan ilaa hadda loo hayn wax markhaatiyo ah iyo wax cadayn ah.

Isagoo tilmaamaya inay khalad tahay in dad shacab ah maxkamada militari la geeyo waxa uu yidhi “Horta waxa khalad ah in maxkamada Militari lagu qaado kiiska ragan loo haysto maadaama oo kiiskoodu yahay madani waa in maxkamad shacab lagu qaado, ta labaad waa in warbaahinta loo soo bandhigaa waxa lagu helay waayo illaa hadda wax cadayn ah oo lagu hayaa ma jiro, cid ku markhaati furtayna ma jirto sidaa darteed waa in si fiican waxan loo baadhaa ee aan siyaasad laga dayin waayo hore arrintan dilka ah waxa ahayd mid siyaasad oo la doonayey in wax la isku dhufto”

Waxaanu soo jeediyey in maxkamaddu noqoto mid cadaalad ah oo dadku ka soo qaybgali karaan, isla markaana la soo bandhigo markhaatiyadii oo aan la baadhitaan dheer la sameeyaa.

Caaqilku wuxuu sheegay inay ragani shan sanno rumaan ah ku xidhan yihiin xabsiga ilaa hadana aan wax cadayn ah lagu hayn ragaasi, waxaanay dalbadeen in kiiskaasi aan madow madow la galin ee siday tahay loo baadho, isago xukuumaddda ku eedeeyey inay wax kharinayso oo ay aanay doonayn inay siday tahay loo baadho, maadaama oo hadii si fiican loo baadho ay meelo badan gali doonto.

“Kiiskan waa in la helaa cidii ka dambaysay, xukuumaduna waa inay baadhaa si cadaaladda ah waayo waxaanu aaminsannahay inay wixii dhacay siyaasad ka dambaysay oo danno laga lahaaa oo wakhtigaa rag ka faa’iidaysaneen mushkiladan, marka waa In la helaa cidii fulisay iyo cidii ka dambaysayba ee yaan laga warwareegin waxayna ahayd cid doonaysay inay beelaha wada dega la isku dhufto oo danno siyaasadeed ka lahayd”ayuu yidhi caaqilka  ragan ku xidhan.

Si kastaba ha ahaatee, eedeesanayaashan ayaa muddo dheer ku jira xabsiga iyadoo ilaa hadana aan maxkamada la horkeenin, ayaa shalay markii ugu horeysay maxkamada ciidamada la keenay, iyadoo toddobaadka dambe loo balamay xukunka kiiskan.

Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online 
[email protected]  
Hargeysa, Somaliland