4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 26, 2013
Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo howlgallo lagu sugayo Amniga ka wada isgoysyada Waaweyn ee Magaalada Muqdisho

Jimco, July 26, 2013 (HOL)  Ciidamada booliiska iyo nabadsugidda dowladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa AMISOM ayaa Muqdisho ka billaabay howl-gallo lagu sugayo ammaanka, kuwaasoo socon doona xilliyada habeenkii ah iyo maalintii.

Isgoysyada ay howgallada ka sameynayaan ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa waxaa ka mid ah isgoyska dabka ee jidka Maka Al-Mukarama, isgoyska Holwadaag ee jidka Wadnaha, isgoysyada Baar-Ubax iyo Towfiiq ee waddada Soddonka.

Taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliya, Jen. C/xakiin Daahir Siciid (Saacid) iyo saraakiil ka tisran booliiska iyo nabadsugidda Soomaaliya ayaa xalay ku tagay kormeer isgoysyada ay howgalladu ka socdaan, iyadoo ay howgalkan qayb ka yihiin ciidamada AMISOM.

“Kormeerkan waxaa mid lagu hubinayo sida ay howgalladu u socdaan, runtii si wanaagsan ayayna howgalladu u socdaan, ciidamada howlgallada wadana waa kuwo baaraya gaadiidka iyo dadka laga shakiyo, si amniga oo adkeeyo,” ayuu yiri sarkaal ka tisran kuwii la socday taliyaha booliiska oo warbaahinta la hadlay.

Sarkaalkan ayaa sheegay in ciidamadu ay gacan ka helayaan shacabka ku nool deegaannada ay howgallada ka socdaan, balse ma sheegin cid ay u soo qabteen falal ammaan-darro ama inay ka tirsan tahay Al-shabaab.

Xarakada Al-shabaab ayaa dhawaan sheegtay inay Muqdisho iyo gobollada ku yaalla Koonfurta Soomaaliya ay ka fuliyeen 108 weerar oo ay ku jireen kuwo ismiidaamin ah iyo dilal qorsheysan oo ay la beegsanayaan xubno ka tirsan shaqaalaha dowladda iyo ciidamada.

Howlgalladan ayaa waxay kusoo beegmayaa iyadoo baqdin laga qabo inay Al-shabaab Muqdisho ka geysato inta lagu jiro bishan Ramadaan weerarro ay ka mid noqonaan qaraxyo, kuwaasoo dhibaatooyin gaarsiin kara shacabka ku nool Muqdisho.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya