4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 26, 2013
Burcad badeeda Soomaalida oo ilaalisa Maraakiibta sida Sharci-darrada uga Kalluumaysta Badaha Soomaaliya

Jimco, July 26, 2013 (HOL) — Warbixintii dhawaan ay qaramada midoobay u gudbiyeen gudiga u xilsaaran ilaalinta cunaqabataynta saaran wadamada Soomaaliya iyo Eritrea ayaa soo bandhigay in Burcad badeeda Soomaalidu ay ilaalshaan maraakiibta sida sharci darrada uga kalluumaysta badaha Soomaaliya si ay uga kabto hoos u dhicii ku yimid dakhligooda kadib markii ay yaraadeen maraakiibtii ay afduubka ku qabsanayaan.

Maraakiibtan ayaa lacag ku siiya burcad badeeda inay ilaaliyaan ammaankooda sida lagu sheegay warbixinta gudiga qaramada midoobay.

Waxaa kaloo warbixintu ay sheegtay in Burcad badeedu ay sidoo kale ku lug-leeyihiin hawlo kale oo sharci darro ah sida kala iibsiga hubka, tahriibta iyo ka ganacsiga daroogada.

Warbixinta ayaa sheegaysa in dawlad goboleedka Puntland ay inta badan doomaha sharci darrada ah ka kalluumaystaan aagooda iyagoo ugu yaraan 180 markab oo laga leeyahay waddanka Iran iyo 300 oo markab oo laga leeyahay dalka Yemen ay halkaas ka wadaan hawlo kalluumaysi oo sharci darro ah.

Waxaa kale oo xeebaha jooga maraakiib kalluumaysi oo laga leeyahay wadamada  China, Taiwan, Korea iyo sidoo kale maraakiib ay leeyihiin qaar kamid ah wadamada xubnaha ka ah midowga Yurub, kuwaasoo dhammaantood aan wax shati ah ka haysan dawlada Soomaaliya.

Arrinta ku aadan in Burcad badeeda Soomaalida ay ilaaliso maraakiibta sida sharci darrada uga kalluumaysta badaha Soomaaliya oo laga leeyahay wadamo shisheeye ayaa hoos u sii dhigaysa hadii ay run noqoto aragtida laga haysto burcad badeeda oo markii hore ku andacoonayay inay badaha Soomaaliya ka ilaaliyaan maraakiibta shisheeye ee sida sharci darrada ah uga kalluumaysta ugana kala goosha caalamka.

Axmed C/samad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya