4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 26, 2013
Mareykanka, Britain iyo France oo Gacan ka geystay Dagaalladii Al-shabaab looga qabsaday Deegaanno ka tirsan Somalia

Jimco, July 26, 2013 (HOL) — Saraakiil u hadlay maamulka Obama ee dalka Mareykanka ayaa sheegay in Mareykanka uu taageero muuqata ka geystay dagaalladii ay ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda ay Al-shabaab kaga saareen deegaanno badan oo ku yaalla Koonfurta Soomaaliya oo ay ka mid tahay Muqdisho.

Al-shabaab ayaa labadii sano ee ugu dambeysay laga saaray dhowr goobood oo ay ka mid yihiin Muqdisho iyo Kismaayo oo ay ka heli jireen dhaqaalaha ugu badan ee ay ku dagaalamayeen, iyadoo taasi ay sababtay khilaaf soo dhex-gala Al-shabaab.

“Dowladaha Mareykanka, Ingiriiska iyo Faransiiska, waxay ciidamad AMISOM iyo kuwa dowladda ka taageereen dagaalladii ay ku qabsadeen deegaano ay ka mid yihiin Muqdisho iyo Kismaayo. Iyadoo Mareykanku uu Somalia u arko inay tahay dalka laga gaaray guulaha ugu waaweyn dagaalka lagula jiro Al-Qaacida,” ayuu yiri sarkaal sare oo u hadlay maamulka Obama.

Sarkaalku wuxuu sheegay in dowladda Marekanka ay siinaysay ciidamada Kenya, Uganda iyo Itoobiya ee hoggaaminayay dagaallada magaalooyinka waaweyn looga qabsaday Al-shabaab macluumaadyo dhinaca satalite-ka ah oo ay ku jiraan sawirro muujinaya goobaha ay ciidamada kooxdan ku sugan yihiin iyo hub kala duwan.

Warkan oo lagu daabacay wargeys kasoo baxa Mareykanka oo ka faallooda arrimaha siyaasadda dibadda ayaa lagu sheegay in maamulka Obama ay go’aan ku gaareen inay sii wadaan dagaalka lagula jiro Al-Qaacida oo ay ku jirto ku jira Al-shabaabta Soomaaliya.

Dabayaaqadii sannadkii 2012 illaa bishii Maarso ee sannadkan 2013 wuxuu Mareykanku ku sameeyay Soomaaliya duulimaadyo uu xogo ku raadsanayo, iyadoo diyaaradahan oo kasoo duulayay dalka Jabuuti ay xogta ugu badan ka ururiyeen gobollada Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in Mareykanka, Ingiriiska iyo Faransiisku ay hubka gelinayeen Soomaaliya iyadoo ay saaran tahay cunno-qabteyntii ay kusoo rogtay Soomaaliya Qaramada Midoobay sanadkii 1992-kii, kaddib markii xukunka laga tuuray dowladdii kacaanka ahayd.

Prof. Kenneth Menkhaus oo wax ka dhiga kulliyadda Davidson oo ku taalla gobolka Waqooyiga Carolina ee dalka Mareykanka ayaa sheegay in weli ay Al-shabaab tahay mid awood leh oo khatar ah, geysanna karta weerarro ay ka mid yihiin kuwo argagaxiso, ismiidaamin iyo dilal qorsheysan.

“Inkastoo Al-shabaab awooddeeda hoos loo dhigay, haddana waxay weli ka talisaa dhul ballaaran, waxay haystaan hub ay ku dagaalami karaan, welina waxay xiriirro la leeyihiin ururro argagaxiso oo caalami ah,” ayuu hadalkiisa ku daray Prof. Menkhaus.

Hadalkan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo ay galeen dagaalladii lagula jiray Al-shabaab, sidoo kalena ay ciidamada Itoobiya qorsheynayaan inay ka baxaan deegaannadii ay kaga sugnaayeen Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya