4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 26, 2013
Ururka Samafalka SADO oo in ka badan 1,000 qoys ugu qaybiyay Magaalada Kismaayo Gargaar kala duwan (SAWIRRO)


Jimco, July 26, 2013(HOL):- Ururka Samafalka Wadaniga ee SADO ayaa gudaha magaalada Kismaayo waxaa uu gar gaar raashineed ugu qeybiyey dad ka badan ilaa 1500 oo qoys oo u badan qoysas dan yar ah oo qaar kood aanan awoodin inay gataan raashin ay ku afuraaan, iyadoona raashinka la siiyey qoysaskaasi uu ahaa deeq ka timid Hay,adda Samafalka Caalamiga ee Solidarity Islamic France oo ugu talagashey bishan Ramadaan dadka dhiban.

Asad Maxamed Cali oo ka mid ah Howlwadeenada xafiiska SADO ee Magaalada Kismaayo oo la hadlayey warbaahinta ayaa sheegay raashinkani gargaarka ah ee la siiyey qoysaska danyarta ah iyo kuwa dhibaateeysan ee ku dhaqan kismaayo ay tiradoodu gaareysay ilaa 1500 oo qoys, isagoo intaa ku daray in raashinkani oo isugu jiray lix qeybood in qoys waliba la gudoonsiiyey raashin ka kooban 10-kg Bur, 25-kg Bariis, 3 litarSaliid ah, 5-kg oo digir ah, 3-kg oo Sonkor ah iyo 2-kg oo timir ah.

Gargaarka noocani oo kale ah waxuu wax weyn ka tarayaa ayuu yiri nolosha dadka dhibaateeysan ee ku nool deegaanka, kuwaasi oo xilligani aanan awoodin Raashin ay ku soomaan, isagoo tilmaamayna dadka la siiyey gargaarka raashineed dhamaan in ay yihiin dad ay soo xuleen, islamarkaana ah kuwa ugu danta yar ee deegaanka.

Sidoo kale qaar ka mid ah dadkii danyarta ahaa ee ka faa,ideystay raashinka gargaarka ah ee loogu talagalay Bisha Ramadaan ayaa waxay sheegeen in ay si weyn u soo dhaweynayaan gargaarka noocani oo kale, iyagoo dhinaca kalena u mahadceliyey Ururka Samafalka SADO iyo Hay'ada Solidarity Islamic France oo gargaarkani raashineed deegaanka soo gaarsiiyey.

Ma ahan markii ugu horeeysay oo Hay'adda SADO ay howlo raashin qeybin ah ka fuliso gobolka, haseyeeshee, hay'adda ayaa waxay hore gargaar sidan oo kale ah uga qeybisay gobollad J/hoose, J/dhexe, Gedo, Galgaduud iyo magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.


Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya