4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 26, 2013
Dagaalyahannada Al-shabaab oo Weerarro ka fuliyay xalay deegaanno kala duwan oo ku yaalla Gobolka Jubbada Hoose

Jimco, July 26, 2013 (HOL) — Xoogagga  Al-shabaab ayaa xalay weerarro ka fuliyay qeybo ka tirsan gobolka J/hoose oo ay ku suganyihiin ciidamada dowladda Soomaaliya, kuwa Raaskaambooni iyo ciidamada nabad ilaalinta midowga Afrika ee AMISOM.

Dagaalyahanno katirsan Al-shabaab ayaa waxay xalay weerar la beegsadeen saldhigyada ciidamada AMISOM  ay ku leeyihiin garoonka diyaaradaha Kismaayo iyo xarunta Jaamacadda, waxaana labada dhinac halkaasi ku dhexmaray dagaal culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Qaar kamid ah dadka ku dhaqan xaafadda Calanleey gaar ahaan waaxda V-afmadow ayaa HOL u sheegay in ay maqlayeen daryanka hubka culculus ee ay labada dhinac isweeydaarsanayeen.

Sidoo kale dagaalyahannada Al-shabaab ayaa weerarro kuwan lamid ah waxa ay isla xalay ku qaadeen degmada Afmadow ee gobolka J/hoose , waxaana dagaalkii xalay uu ahaa mid aad u culus.

Ma jiraan masuuliyiin ka tirsan dhinacyadii dagaalamay oo faahfaahin ka bixiyay iska horimaadyadii xalay ka dhacay degmooyinka Kismaayo iyo Afmadow, lamana oga khasaaraha rasmiga ah ee kala gaaray dhinacyadii dagaalamay.

Xarakada Al-shabaab ayaa hore wacad ugu martay in inta lagu guda jiro bishan brakeeysan ee Ramadaanka ay laba jibaari doonto dagaallada ay kula jirto dowladda Soomaaliya iyo ciidamada nabad ilaalina Midowga Afrika ee AMISOM.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya