4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 25, 2013
FAROOLE: "Ka qayb-galka Puntland ee shirka Brussels ka dhici doona waa in uu noqdaa wax u qalma Qiimaha Puntland" (SAWIRRO)


Khamiis, July 25, 2013 (HOL) — Magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland waxaa maanta soo gaarey wefdi ballaaran oo ka socda Midowga Yurub, islamarkaana uu horkacayey Nick Westcott oo ah ergeyga Midowga Yurub u qaabilsan qaaradda Afrika.

Wefdigan oo si heer sare ah Garoowe loogu soo dhoweeyey, waxay kulan muddo saacad ka badan  qaatay xarunta madaxtooyada kula yeesheen madaxda ugu sareysa maamulka Puntland,  gaar ahaan Madaxweyne C/raxmaan Faroole.

Kulanka kaddib,  ayaa shir-jaraa'id waxaa sida wadajir ah war-fidiyeenka ugu qabtay Madaxweynaha Puntland iyo ergeyga Midowga Yurub u qaabilsan qaaradda Afrika. Waxayna ka warbixiyeen qodobadii ugu muhiimsanaa ee ay labada dhinac kulankooda iskula soo qaadeen.

Madaxweyne Faroole oo hadalka ku horeeyey ayaa sheegay in qodobka ugu weyn ee ay wefiga EU ka wada hadleeni uu ahaa shirka New-Deal ee bisha Semtembar ee soo socota 16-keeda ka furmaya caasimadda Belgium-ka ee Brussels. Shirka Brussels ayaa ah mid  dhaqaale loogu yaboohayo wadamada kasoo kabanaya colaadaha, kuwaas oo ay Soomaaliya qayb ka tahay.

“Aad iyo aad baan raali uga nahay imaatinka wefdigan. Waxyaabaha ay noola yimaadeen waa kuwo muhiim u ah Soomaaliya dhamaanteed, siiba gaar ahaan Puntland. Ajendaha ugu weyn ee kulanka ayaa ahaa ka qaybgalka Puntland ee shirka New-Deal" Madaxweyne Faroole ayaa yiri.

Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu intaas raaciyey: " Puntland diyaar bay u tahay inay ka qayb gasho shirka Brussels, laakiin magaceeda ayey kaga qayb geleysaa. Ka qaybgalku waa inuu noqdaa wax u qalma qiimaha Puntland iyo magaca ay ka leedahay Soomaaliya"

Nick Scott oo ugu danbeyntii hadalka qaatay ayaa isna sheegay in waxyaaba ay madaxda Puntland kala hadleen ay kamid tahay: sidii Puntland looga taageeri lahaa in ay yeelato ciidamo badeed oo xooggan, kuwaas oo awood buuxda u leh la dagaalanka kooxaha burcad-badeedka.

Ugu danbeyntii wuxuu sheegay in ay aad usoo dhoweynayaan kuna faraxsan yihiin barnaamijyada horumarineed ee xilligan ka socda Puntland, islamarkaana ay rajo fiican ka qabaan in geedi-socodka Dimuqraadiyadda ee Puntland uu noqdo mid dhaqan gala, horseedna u noqda hanaan maamul oo hufan.

Wefdigan oo kahor imaatinkooda magaalada Garoowe kasoo kicitimay magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland, waxay sidoo kale kulan kan dhiggiisa ah shalay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho kula soo yeesheen madaxda ugu sareysa dalka, gaar ahaan madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo xubno ka tirsan golaha wasiirrada.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya