4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 25, 2013
Magaalada Laascaanood oo laga billaabay Tallaalka Dabeysha kaddib markii laga helay Magaaladaas kiisas cudurkaas ah

Khamiis, July 25, 2013 (HOL) —Talaal oo la doonayo in lagu xakameeyo cudurka dilaaga ah ee dabaysha oo maalmihii lasoo dhaafay laga helay degmada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa ka billowday magaaladaas oo xarun u ah gobolka Sool.

Ololahan ayaa sababtiisa lagu macneeyay kaddib markii xaafadda sayidka ee Koonfurta magaalada Laascaanood laga helay laba kiis oo cudurka dabeysha ah kuwaasoo mid ka mid ah uu ku jiro baadhis, taasoo cabsi gelisay waalid badan oo carruurtooda uga baqaya inuu cudurkan haleelo.

Munaasabad lagu kala dirayay kooxaha tallaalka ayaa waxaa ka hadashay madaxa xafiiska WHO ee gobolka Sool, Xaliimo Xasan Bisaas oo sheegtay in ay dhibaato ka haysato sidii ay u baari lahaayeen caruurta xaafadaha ku dhow meesha kiisaskan laga helay, waxayna xustay in shacabka laga raarido in kuwa calaamadaha lagu arkay maahane ay jiri karaan kuwo kale oo iyagu xambaarsan cudurka.

Dr. Muuse Geele oo ah isku-duwaha wasaaradda caafimaadka gobolka Sool ee maamulka Somaliland ayaa ka sheekeeyay dhibaatooyinka cudurkan iyo khatarta uu leeyahay iyo sida la doonayo in loo ilaaliyo gaar ahaan dadka reer guuraaga ah oo aan meel loogu soo hagaago lahayn.

Guddoomiyaha gobolka Sool, Maxamed Faarax Aadan oo ugu dambeyn ka hadlay goobta ayaa sheegay inuu baaq u dirayo bulshada taasoo ahayd in inta ay fiyow-yihiin ay qaataan tallaalka. Isagoo intaas ku daray in haddii aan la iska tallaalin cudurka uu halis badan gelin karo caruurta degmada.

Dhanka kale, waxaa jira qoysas badan oo billaabay inay ka guuraan xaafadda Sayidka ee cudurkan laga helay si aysan caruurtoodu u qaadin cudurkan oo ah mid aan dawo lahayn ka hortag maahane.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool