3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 25, 2013
Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE oo soo dhaweeyay go’aanadii kasoo baxay Xisbiyada Mucaaradka Somaliland (SAWIRRO)


Khamiis, July 25, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha xisbiga taladda haya ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay inay wada hadal u socdo siyaasiyiinta samaystay golaha wadatashiga,taas uu usoo jeediyey in labadda dhinaca ee xukuumada iyo goluhu aanay warbaahinta iska marin is eedeen dhexdoodda ah.

Sidoo kale, waxa uu gudoomiyaha KULMIYE soo dhoweeyey heshiishkii Labadda xisbi mucaarad dhexmaray iyo go’aamadii ay soo saareen waxaanu sheegay in aanu u arkeen inay cadow ku yihiin xukuuumada iyo KULMIYE, balse ay saxayaan cid kasta oo xukuumada saxaysana ay soo dhowaynayaan.

“Midowgaasi labada xisbi uma aragno mucaarad anaga nagu soo duulaya,  go’aamadii ay soo saareen ee ay ku toosinayeen kulmiye iyo xukuumadiisa waanu qaadanay waana soo dhoweynaynaa ee yeyna la idinka waayin ”ayuu yidhi Gudoomiyaha xisbiga Taladda haya ee kulmiye Muuse biixi oo ka hadlayey is bahaysiga labadad xisbi Mucaarad.

Sidaas waxa uu ka sheegay mar uu maanta ka hadlayey xaflad loo sameeyey Urur siyaasadeedkii ku hadhay Doorashooyinka dawladaha hoose ee Jamhuuriga oo ku soo biiray xisbiga taladda haya ee KULMIYE.

Munaasibadan  loo sameeyey ku soo biirista ururka jamhuuriga ayaa waxa ka soo qaybgalay taageerayaashii ururkaasi iyo hogaankii sare ee ururkaasi iyo hogaanka sare ee xisbiga KULMIYE.

Guddoomiyaha urur siyaasadeedkii hadhay ee Jamhuuriga Xasan Mire ayaa sheeegay in  ka dib markii ay ka wada tashadeen aayahooga mustaqbal ay arkeen inay wax la wadaagi karaan xisbigan KULMIYE, isla markaana ay go’aansadeen inay si rasmi ah ugu biiraan KULMIYE.

Guddoomiyaha xisbiga taladda haya ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, ayaa soo dhoweeyey ku soo biirista ururkan, waxaanu sheegay in xisbiga kulmiye aan la kala lahayn ee uu yahay mid loo siman yahay.

Guddoomiyaha kulmiye Muuse Biixi, waxa kale oo uu ka hadlay wada hadal u socdo golaha wadashiga iyo xukuumadda, waxaanu tilmaamay in uu madaxweynaha ka codsadeen in wixii kala fogeyn kara golahaasi iyo xukuumada aan lagu kicin, isla markaaana ay xukuumaddu dulqaad badan samayso oo aan ku hadal hadalo kala fogeyn kara golahaasi mucaarad ah iyo xukuumadda.

“Waxay ahayd in labada dhinac ah wax tuurtuura ah ama cay ahi ka baxin, laakiin labadda dhinacba way ka baxeen hadalo qalafsan,taasna waxa inoo keenaya dhaqanka dimuqraadiyada ah ee aynu ka qaadanay reer galbeedka ee la yidhaa siyaasada la iskuma turee wixii la doonaa la yidhaa”ayuu yidhi Muuse Biixi oo ka hadlayey khilaafka ka taagan golaha cusub ee wadatashiga, waxaanu intaas ku daray “In sida reer Yurub loo dhaqmo maaha, in la yidhaahda siyaasada la iskuma tudho maaha, inagu dhaqan baynu leenahay, tol iyo xidid baynu nahay dad wax isku ah baynu nahay markaa maaha in la is caayo oo warbaahinta la isku mariyo aflagaado, waayo reer yurub intaasba malaha ”

Guddoomiyaha KULMIE waxa uu fidme abuur ku tilmaamay xubno wasiiro ah oo eedeen ujeediyey golaha cusub ee wadatashiga, waxaanu sheegay in aanay cay iyo aflagaado ka mudnayn siyaasyiinta ku jira golahaasi, kuwaas oo wadanka xaq badan ku leh sidaa darteed ay khalad tahay in siyaasiyiintaasi odayaasha ah wax laga sheego, waxa kale oo uu siyaasiyiintaasi ku dhaliilay gudoomiyuhu inay afgalaado u gaysteen madaxweynaha oo ay ku tilmaameen inuu yahay Tuug taasina ay tahay khalad.

“Eraygaasi madaxweynuhu waa tuug waa khalad inuu yidhaahdaana waa ceeb (Afhayeenka golaha wadashiga) , ma qabato madaxweynaha oo marka hore da’ahaan uma qabanayso oo waa nin weyn, mar labaadka xilka aad u dhiibtay ee madaxweyninimo ee sharafta huwan ayey ku qabanayn, mar sadaxaadna halgankii dheeraa ee aad soo wada marteen darteed buu eraygaasi u qabanayn oo aadna waad tahay wuxuu yahay”ayuu yidhi Biixi oo ka hadlayey erayo uu sheegay inay gef ahayd oo ka soo yeedhay afhayeenka golaha wadatashiga.

Si kastaba ha ahaatee, waxa erayo kulkulul warbaahinta isku marinayey maalmihiii u dambeeyey golahan wadatashiga la baxay iyo golaha wasiiradda, kuwaas oo aan waxba kula hadhin,haseyeeshee waxa waan waan u socotay xisbiga kulmiye iyo golahaasi sheegay gudoomiyaha KULMIYE oo labada dhinacba uga digay inay hadalo qalafsan la isku tuurtuuro.


Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland













Click here
7/25/2013 1:06 PM EST
Khamiis, July 25, 2013 (HOL) — Magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland waxaa maanta soo gaarey wefdi ballaaran oo ka socda Midowga Yurub, islamarkaana uu horkacayey Nick Westcott oo ah ergeyga Midowga Yurub u qaabilsan qaaradda Afrika.

7/25/2013 1:05 PM EST
Khamiis, July 25, 2013 (HOL) —Talaal oo la doonayo in lagu xakameeyo cudurka dilaaga ah ee dabaysha oo maalmihii lasoo dhaafay laga helay degmada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa ka billowday magaaladaas oo xarun u ah gobolka Sool.

7/25/2013 12:07 PM EST
Khamiis, July 25, 2013(HOL)—Masaajidka Abuu Huraira Islamic Center ayaa Sanadkii Labaad waxa uu Afur u sameeyay dadka dariska deggan Magaalada St. Anthony, Minnesota. Afurkan oo lagu casuumay dadka aan muslimka ahayn Iyo Waliba Muslimiinta.

7/25/2013 7:52 AM EST
Khamiis, July 25, 2013 (HOL) — Soddon iyo shan (35) urur oo u dooda xorriyatul-qowlka caalamka iyo saxaafadda ayaa ka dalbaday ra’iisul wasaaaha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) inuusan u gudbin baarlamaanka Soomaaliya sharciga qabayada ah ee saxaafadda.

7/25/2013 7:29 AM EST
Khamiis, July 25, 2013 (HOL) — Maalintii Salaasada ahayd ee lasoo dhaafay ayaa waxaa Muqdisho la keenay dhaawaca wakiil wareedkii Radio Dalsan ee magaalada Kismaayo, Mascuud C/llaahi Aadan oo ciidamada, Sheekh Axmed ay 17-kii bishan ay ku dhaawacmeen gudaha Kismaayo.

7/25/2013 6:53 AM EST
Madaxweynaha dalka Kenya oo todobaadkaan gudhihiisa madaxtooyada afur uga sameeyay hogaamiyayaasha islaamka iyo shacab kaloo badan ayaa maanta kulan la qaatay golaha sare ee Muslimiinta Kenya.

7/25/2013 6:53 AM EST
Khamiis, July 25, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cabdi Faarax Laqanyo oo shir jaraa'id ku qabtay magaalada Baladweyne ayaa si adag uga hadllay lacago been abuur ah oo maalmihii ugu danbeeyay siweyn loo soo galinayay magaalada, taa oo keentay sare u kac ku yimid sarifka doolar iyo qiimo korar dhinaca maciishada ah.

7/25/2013 6:45 AM EST
Khamiis, July 25, 2013 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa sheegtay in tan iyo markii ay curatay bishan Ramadaan ay ciidamada dowladda iyo kuwa ay gacanta ka helaan ee AMISOM la beegsadeen in ka badan boqol weerar oo ay ku jiraan kuwo is-miidaamin ah oo khasaare nafeed geystay.

7/25/2013 6:44 AM EST
Khamiis, July 25, 2013 (HOL) — Mas'uuliyiinta maamulka heer gobol iyo degmo ee gobolka Hiiraan oo wadajir warbaahinta ula hadllay ayaa ka warbixiyay xaalada nabad-galyo ee magaalada Baladweyne oo labadii cisho ee la soo dhaafay ka jireen falal qal-qal ku ah ammniga, kadib markii ay kooxo hubeysan ku dilleen bartamaha magaalada guddoomiye ku-xigeenkii maxkamada degmada sidoo kalana weerar ku qaadeen mid ka mid ah ganacsatada magaalada.

7/25/2013 5:55 AM EST
Golaha ammaanka ee qaramada midoobay ayaa cambaareeyay jabinta cunaqabataynta hubka ee Soomaaliya iyo Eritrea, iyadoo la sheegay in labada waddanba uu hub ku soo qulqulayo.

7/25/2013 3:58 AM EST
Khamiis, July 25, 2013 (HOL) - Ciidamada ammaanka ee dalka Kenya ayaa shaaciyay inay qabteen kartoomo ay ka buuxaan walxaha qarxa oo saarnaa gaari ku sii jeeday magaalada Mombasa ee xarunta gobolka xeebta.

7/25/2013 2:27 AM EST
Khamiis, July 25, 2013(HOL) :-Wasiiru dowladaha wasaaradda arimaha dibadda Soomaaliya Dr. Max’ed Nuur Gacal ayaa kulan la qaatay wasiirka arimaha dibadda dalka Sudan Dr. Cali Axmed Kerti, waxaana sidoo kale kulanka labada masuul goob joog ka ahaa safiirka Soomaaliya u fadhiya dalkaasi Sudan Max’ed C/laahi Ugaas Faarax.

7/25/2013 2:09 AM EST
Khamiis, July 25, 2013(HOL) :- Maalmahii ugu dambeeyey gudaha Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo waxaa ka soconayey Howlo balaaran oo isugu jira dumin iyo dib u dhis lagu sameynayey Masjidka Jaamaca ee Khadiimiga ah ee ku yaala bartamaha magaalada Baardheere oo dhisnaa mudo ka badan ilaa 320-sano oo ahayd xilligii Baardheere la degay, iyadoo ujeedada dhismaha Masjidkuna ay tahay Balaarin.