4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 25, 2013
Kulan Afur iyo isbarasho ah oo xalay lagu qabtay Magaalada St. Anthony ee Gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka (SAWIRRO)

/images/2013/Afur1/index.htm
Khamiis, July 25, 2013(HOL)—
Masaajidka Abuu Huraira Islamic Center ayaa Sanadkii Labaad waxa uu Afur u sameeyay dadka dariska deggan Magaalada St. Anthony, Minnesota. Afurkan oo lagu casuumay dadka aan muslimka ahayn  Iyo Waliba Muslimiinta.

 

Xafladdan Afurka ah ayaa waxa loogu talagalay in dariska lagu baro  diinta Islaamka.Fadliga BishaRamadaan  Sida aan la wada soconno bishan barakaysan ee Ramadaan waa bil lala wadaago wanaagga bisha qoysaskeena dariskeena waana fursad ay dadka Dariska ku bartaan Diinteena Islaamka.

 

Afurkan oo ka dhacay Xarunta City Hall ee St. Anthony, Minnesota, Bishii July 12, 2012 ayaa City Coucil Magaalada St. Anthony waxa ay diideen qorshe ay Masaajidka Abu Huraria Islamic Center ay ku gateen Meel aad u wayn oo loogu tala galay in ay anfacdo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee sii kordhaysa. Xarunta ay diideen City Coucil ee St. Anthony oo ay ku jirtay Masaajid ayaa hadda dacwadeeda waxay hortaallaa Maxkamad Federaal ah.

 


”Sanadkii hore si fiican ayay is-barashadaan u dhacday, sanadkanna waa kii labaad, waxayna noo tahay farxad iyo isu soo dhawaasho anagoo ah maamulka Mashruuca”sidaas waxaa yiri Sheikh Axmed Burale oo ah Madaxa Abuu Hurayra Islmic CTR .

 

Waxaa halkii afurka ka dhacay darsin Diini ah oo ku baxayay Luuqada Englishka ka soo jeediyay Shiikh Cabdisalaam Aadan oo ka mid ah culumaa’udiinka ku dhaqan gobolka Minnesota, isagoo sharaxaad dheer ka baxiyay waxa ay tahay diinta Islaamka, wuxuuna ku dheeraaday in diinta Islaamka ay tahay diin nabadeed oo aan ahayn mid qas iyo fowdo fareysa dadkeeda.

 


Sadik Warfaa oo ka mid ah dhalinyarada firfircoon oo ku dhaqan gobolkan Minnesota, sidoo kalena ka mid ahaa qabanqaabiyaasha kulankan ayaa ku tilmaamay Afurkan  mid ka turjumaya dhaqanka fiican ee Islaamka & kan Soomaalida.

 

Kulanka waxaa kaloo kasoo qaybgalay badi culumadda Gobolkan iyo dadwaynaha muslimiinta ah ee ku nool dagaankaan. Qaar ka  mid ah dadkii aan Muslimiinta ahayn ee daganaa deegaankaanka ayaa hadallo soo dhaweyn iyo Mahadcelin ah ka soo jeediyay  Goobta, wuxuuna kulanka ku so dhammaaday jawi aad u wanaagsan.






Siyad Said Salah MN

[email protected]