4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 25, 2013
Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo kulamo is daba-joog ah la qaatay madaxda Muslimiinta ku nool dalka Kenya (SAWIRRO)
1077437_669724599722763_172357166_o.jpg
Khamiis, July 25, 2013 (HOL) - Madaxweynaha dalka Kenya oo todobaadkaan gudhihiisa madaxtooyada afur uga sameeyay hogaamiyayaasha islaamka iyo shacab kaloo badan ayaa maanta kulan la qaatay golaha sare ee Muslimiinta Kenya.

Waxaana kulankan ay muslimiinta kala hadleen madaxweynaha inaan lagu bartilmaameedsan sharciga la dagaallanka argagixisada oo aad uga soo horjeedaan dadka Islaamka ah ee dalka Kenya.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa ballanqaaday in dawladiisu ay muwaadiniinta dalka oo dhan si isku mid ah ugu cadaalad samayn doonto iyadoo aan la fiirinayn diintooda iyo haybtooda midna.

"Waxaan u cadeeyay in dawladan ay tahay mid u siman dhammaan dadka Kenyaanka ah oo aan loo fiirin doonin diin ama qabiil" ayaa lagu yiri war kasoo baxay madaxtooyada.

Bilowgii todobaadkan ayaa taleefishinada dalka Kenya iyo jaraa'idkuba ay tabiyeen madaxweynaha dalka oo xiran khamiiska iyo cimaamada oo kamid ah shacaa'irta Islaamka uuna ku dhex jiro muslimiinta oo ka qaybgalay afur ballaaran oo loogu sameeyay aqalka madaxtooyada dalka Kenya ee loo yaqaan State House.

Waxaana inta lagu guda jiray bisha Ramadanka uu madaxweynaha Kenya kulamo isdabajoog ah la qaatay hogaamiyayaasha islaamka ee dalka.

Tan iyo markii uu hogaanka qabtay madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo Ku xigeenkiisa William Ruto oo labaduba aad uga dhalinyar madaxweynayaasha soo xukumi jiray Kenya ayay la yimaadeen siyaasad furfuran oo aad ay ugu dhawaanayaan dadweynaha.

1072683_656913971005279_71481150_o.jpg
1077038_656911754338834_1498057181_o.jpg
1073095_667711616590728_1914110512_o.jpg
1040021_656911354338874_413576257_o.jpg

Axmed C/samad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya