4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 25, 2013
CABDI FAARAX LAQANYO: "U dul-qaadan Mayno Wixii Hadda ka Dambeeya Isticmaalka lacagaha been-abuurka ah"


Khamiis, July 25, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cabdi Faarax Laqanyo oo shir jaraa'id ku qabtay magaalada Baladweyne ayaa si adag uga hadllay lacago been abuur ah oo maalmihii ugu danbeeyay siweyn loo soo galinayay magaalada, taa oo keentay sare u kac ku yimid sarifka doolar iyo qiimo korar dhinaca maciishada ah.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in maamulka gobolka uu ka mamnuucay isticmaalka lacagtan guud ahaan deegaannada gobolka Hiiraan gaar ahaan magaalada Baladweyne, isaga oo sheegay in cid kasta oo lagu hello lacagta looga digay talaabo adag ka qaadi doono maamulka.

“Ma aqbali doono in lacag been abuur ah dadka lagu dhaco, xitaa lacagtan kama socto deegaannadii lagu soo sameeyay, sidaa daraadeed laga bilaabo 27-ka bishan aynu ku jirno o ku beegan maalinta Sabtiga ah cid kasta oo lagu hello ama lagu qabto iyada oo isticmaaleysa lacagtan sharciga ayaa lala tiigsan doonaa,” ayuu yiri guddoomiyaha maamulka.

Kula wada tashi ah oo uu la yeeshay guddoomiyaha ganacsatada magaalada ayuu sheegay in ay isku afgarteen sidii meel looga soo wada jeesan lahaa ka hortaga lacagta oo jahwareer badan ku keentay ganacsiga magaalada.

“Annaga iyo ganacsatada arintan waa ka wada hadalnay, in badan maamulku waa uu ka war-wareegtay arintan, laakiin marnaba uma dulqaadan doono in nolasha bulshada lagu jahwareeriyo lacago aan waxba ka jirin oo been abuur, waan ay ganacstada ku gacan siiyaan maamulka arintan, waana fariin aan u gudbineyno dhamaan bulshada, ciidamada ammnigana waa ay ka howlgali doonaan arintan,'' ayuu yiri guddoomiyaha maamulka gobolka.

Hadalka guddoomiyaha ayaa imanaya xili labadii cisho ee la soo dhaafay uu siweyn sare uga kacay suuqa magaalada Baladweyne sarifka doolarka oo gaaray halkiisii ugu sareysay marka loo eego guud ahaan qeybaha kale ee dalka, waxaana lagu kala sarifanayaa $100 doolar magaalada Baladweyne lacag dhan 2,850,000 oo shilin Soomaali ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya