4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 25, 2013
Al-shabaab oo sheegtay in Bishan Ramadaan ay qaadday in ka badan Boqol Weerar oo ay ku jiraan qaraxyo iyo dilal qorsheysan

Khamiis, July 25, 2013 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa sheegtay in tan iyo markii ay curatay bishan Ramadaan ay ciidamada dowladda iyo kuwa ay gacanta ka helaan ee AMISOM la beegsadeen in ka badan boqol weerar oo ay ku jiraan kuwo is-miidaamin ah oo khasaare nafeed geystay.

Afhayeenka howgallada ee Al-shabaab, Sheekh C/casiis Abuu-Muscab oo la hadlay warbaahinta ku hadasha afka Al-shabaab ayaa sheegay in dhamaan weeraradan ay ahaayeen kuwo ka dhacay gobollada dalka ee ay ku sugan yihiin.

“Mujaahidiintu waxay qaateen 15-kii maalmood ee ugu horreeyay bishan Ramadaan 108 weerar oo 57 ka mid ah ay ahaayeen qaraxyo isugu jiray miinooyin, ismiidaamin iyo bambooyin, 41 ka mid ah weerarradaas waxay ahaayeen dagaallo qorsheysan, sagaalka kalena waxay ahaayeen dilal qorsheysan,” ayuu yiri Abuu-Muscab.

Sidoo kale, afhayeenka howlgallada Al-shabaab ayaa sheegay in intooda badan weerarradaas ay ku qaadeen Jubbada Hoose, Bay iyo Muqdisho oo ay saldhigyada ugu waaweyn ku leeyihiin ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

“Weerarradan waxaa lagu dilay ciidammo iyo saraakiil kala duwan, waxaana xusid mudan in weerarkii ismiidaaminta ahaa ee dhawaan aan Muqdisho kula beegsannay gaadiid ay wateen ciidamada AMISOM uu ku dhintay sarkaalkii ugu sarreeya sirdoonka Mareykanka ee Afrika,” ayuu afhayeenku hadalkiisa ku daray.

Ma jiraan wax jawaabo ah oo ku saabsan sheegaada Al-shabaab oo kasoo baxay dhinaca dowladda Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM oo ay sheegeen inay la beegsadeen weerarrada kala duwan.

Hadalkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo Al-shabaab ay sheegatay in bisha Ramadaan ay kordhin doonto weerarrada ka dhanka ah ciidamad dowladda iyo kuwa AMISOM ee ay ka geysanayso gobollada dalka Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya