3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 25, 2013
Wasiir-u-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaaliya oo la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Sudan


Khamiis, July 25, 2013(HOL) :-Wasiiru dowladaha wasaaradda arimaha dibadda Soomaaliya Dr. Max’ed Nuur Gacal ayaa kulan la qaatay wasiirka arimaha dibadda dalka Sudan Dr. Cali Axmed Kerti, waxaana sidoo kale kulanka labada masuul goob joog ka ahaa safiirka Soomaaliya u fadhiya dalkaasi Sudan Max’ed C/laahi Ugaas Faarax.

Wasiiru dowladaha arimaha dibadda Soomaaliya oo wareysi gaar ah siiyay laanta Afsoomaaliga ee VOA ayaa ka warbixiyay waxyaalihii ay uga hadleen kulankii uu la qaatay wasiirka arimaha dibadda dalka Sudan, wuxuuna sheegay in ay ka wada hadleen arimo badan oo khuseeya xiriirka labada dal.

Masuulkan ayaa sheegay in tan iyo wixii ka danbeeyay markii ay istaageen adeegyadii hay’adihii kala duwanaa ee dalka, in dowladda Sudan ay wabarasho ugu deeqeysay ardeyda Soomaaliyeed, wuxuuna xusay in ay arintaasi ay uga mahadceliyeen.

Wuxuu intaa ku daray in dalka Suda ay hadda wax ka bartaan ardey gaareeysa ilaa 5000, taasoo uu xusay in ay noqoneeyso ardeyda ugu badan ee wax ka barata dibadda, isagoona sheegay in sanad walba ay dalka Sudan waxbarasho u aadaan ardey aad u tiro badan.

“Waxaan ka codsannay in ay noo badiyaan sanadkan maadaama ay jirto baahi culus oo aan rabno in hay’adihii dowladda dib loo dhiso, waxaan kaloo ka dalbannay ardeyda kasoo baxeeyso in ay tababarro siiyaan oo ay hay’adaha dowladda Sudan ay ku tababartaan marka ay jaamacadaha ka baxaan,” ayuu hadalkiisii raaciyay.

Sidoo kale wasiiru dowlaha ayaa sheegay in dowladda Sudan ay ka codsadeen in ay gacan ka geysato sidii loo tababari lahaa ciidamada iyo diblumaasiyiinta wasaaradda arimaha dibadda Soomaaliya, arimahaasoo uu xusay in dhamaantoodba ay soo dhaweeysay kana ballan qaadeen fulintooda.

Kulanka ay masuuliyiintani qaateen ayaa kusoo beegmaya xilli dhawaan madaxweeynaha dalka Sudan Mudane Cumar Xasan Al-bashiir iyo madaxweeynaha Soomaaliya ay gaareen xiriir iskaashi oo dhexmara dalalka Soomaaliya iyo Sudan.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya













Click here
7/25/2013 1:06 PM EST
Khamiis, July 25, 2013 (HOL) — Magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland waxaa maanta soo gaarey wefdi ballaaran oo ka socda Midowga Yurub, islamarkaana uu horkacayey Nick Westcott oo ah ergeyga Midowga Yurub u qaabilsan qaaradda Afrika.

7/25/2013 1:05 PM EST
Khamiis, July 25, 2013 (HOL) —Talaal oo la doonayo in lagu xakameeyo cudurka dilaaga ah ee dabaysha oo maalmihii lasoo dhaafay laga helay degmada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa ka billowday magaaladaas oo xarun u ah gobolka Sool.

7/25/2013 1:02 PM EST
Khamiis, July 25, 2013 (HOL) — Gudoomiyaha xisbiga taladda haya ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay inay wada hadal u socdo siyaasiyiinta samaystay golaha wadatashiga,taas uu usoo jeediyey in labadda dhinaca ee xukuumada iyo goluhu aanay warbaahinta iska marin is eedeen dhexdoodda ah.

7/25/2013 12:07 PM EST
Khamiis, July 25, 2013(HOL)—Masaajidka Abuu Huraira Islamic Center ayaa Sanadkii Labaad waxa uu Afur u sameeyay dadka dariska deggan Magaalada St. Anthony, Minnesota. Afurkan oo lagu casuumay dadka aan muslimka ahayn Iyo Waliba Muslimiinta.

7/25/2013 7:52 AM EST
Khamiis, July 25, 2013 (HOL) — Soddon iyo shan (35) urur oo u dooda xorriyatul-qowlka caalamka iyo saxaafadda ayaa ka dalbaday ra’iisul wasaaaha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) inuusan u gudbin baarlamaanka Soomaaliya sharciga qabayada ah ee saxaafadda.

7/25/2013 7:29 AM EST
Khamiis, July 25, 2013 (HOL) — Maalintii Salaasada ahayd ee lasoo dhaafay ayaa waxaa Muqdisho la keenay dhaawaca wakiil wareedkii Radio Dalsan ee magaalada Kismaayo, Mascuud C/llaahi Aadan oo ciidamada, Sheekh Axmed ay 17-kii bishan ay ku dhaawacmeen gudaha Kismaayo.

7/25/2013 6:53 AM EST
Madaxweynaha dalka Kenya oo todobaadkaan gudhihiisa madaxtooyada afur uga sameeyay hogaamiyayaasha islaamka iyo shacab kaloo badan ayaa maanta kulan la qaatay golaha sare ee Muslimiinta Kenya.

7/25/2013 6:53 AM EST
Khamiis, July 25, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cabdi Faarax Laqanyo oo shir jaraa'id ku qabtay magaalada Baladweyne ayaa si adag uga hadllay lacago been abuur ah oo maalmihii ugu danbeeyay siweyn loo soo galinayay magaalada, taa oo keentay sare u kac ku yimid sarifka doolar iyo qiimo korar dhinaca maciishada ah.

7/25/2013 6:45 AM EST
Khamiis, July 25, 2013 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa sheegtay in tan iyo markii ay curatay bishan Ramadaan ay ciidamada dowladda iyo kuwa ay gacanta ka helaan ee AMISOM la beegsadeen in ka badan boqol weerar oo ay ku jiraan kuwo is-miidaamin ah oo khasaare nafeed geystay.

7/25/2013 6:44 AM EST
Khamiis, July 25, 2013 (HOL) — Mas'uuliyiinta maamulka heer gobol iyo degmo ee gobolka Hiiraan oo wadajir warbaahinta ula hadllay ayaa ka warbixiyay xaalada nabad-galyo ee magaalada Baladweyne oo labadii cisho ee la soo dhaafay ka jireen falal qal-qal ku ah ammniga, kadib markii ay kooxo hubeysan ku dilleen bartamaha magaalada guddoomiye ku-xigeenkii maxkamada degmada sidoo kalana weerar ku qaadeen mid ka mid ah ganacsatada magaalada.

7/25/2013 5:55 AM EST
Golaha ammaanka ee qaramada midoobay ayaa cambaareeyay jabinta cunaqabataynta hubka ee Soomaaliya iyo Eritrea, iyadoo la sheegay in labada waddanba uu hub ku soo qulqulayo.

7/25/2013 3:58 AM EST
Khamiis, July 25, 2013 (HOL) - Ciidamada ammaanka ee dalka Kenya ayaa shaaciyay inay qabteen kartoomo ay ka buuxaan walxaha qarxa oo saarnaa gaari ku sii jeeday magaalada Mombasa ee xarunta gobolka xeebta.

7/25/2013 2:09 AM EST
Khamiis, July 25, 2013(HOL) :- Maalmahii ugu dambeeyey gudaha Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo waxaa ka soconayey Howlo balaaran oo isugu jira dumin iyo dib u dhis lagu sameynayey Masjidka Jaamaca ee Khadiimiga ah ee ku yaala bartamaha magaalada Baardheere oo dhisnaa mudo ka badan ilaa 320-sano oo ahayd xilligii Baardheere la degay, iyadoo ujeedada dhismaha Masjidkuna ay tahay Balaarin.