4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 24, 2013
Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland oo Isku Raacay in Baarlamaanka Cusub Lagu Soo Xulo Nidaamkii Qabaa'ilka
Arbaco, July 24, 2013 (HOL) —Golaha Baarlamaanka ee Puntland - ee uu wakhtigoodu dhamaadka yahay - ayaa maanta isku raacay in qaabkii hore ee qabiilka ku saleysnaa lagu soo xulo xildhibaanada cusub ee iyaga beddeli doona.

Baarlamaanka ayaa labadii maalmood ee ugu danbeeyey arintan si aad ah uga doodayey; kaddib markii guddiga shuruucda ee Baarlamaanku ay golaha hor keeneen lifaaq dhigaya qaabka lagu soo xuli doono xildibaanada cusub.

Fadhiga baarlamaanka ee maanta oo ay soo xaadireen 44-mudane ayaa waxaa shir gudoominayey Guddoomiyaha Baarlamaanka, Mudane C/rashiid Maxamed Xirsi. Isagoo ku dhawaaqaya natiijada codka ay baarlamaaku lifaaqaas u qaadeen, waxaa  hadaladiisii kamid ahaa:

" baarlamaanka cusub wuxuu ku iman doonaa sidii uu ku yimid midka hadda jira. Codka taas loo qaaday dhamaan xildhibaanadu way isku raaceen, cid ka aamustay ama diideyna ma jirto".

Cod gacan taag ah oo loo qaaday lifaaqa ay soo gudbiyeen guddiga shuruucda ee baarlamaanka ayaa waxaa isku raacay dhamaan xildhibaanadii kulanka maanta kasoo qayb galay, mana jirin xildhibaan diidey amase ka aamusay.

Go'aanka uu baarlamaanku ku qaatay in xildhibaanada cusub ay soo xulaan odayaasha qabaailka ayaa imaanaya 10-maalmood kaddib markii uu madaxweyne C/raxmaan Maxamed Faroole ku dhawaaqay in la joojiyey doorashadii goleyaasha deegaanka.

Sidoo kale arintan ayaa ah mid laga dheehan karo qaabka ay u dhici doonto doorashada madaxtimida ee soo socota, taas oo loo badinayo in ay noqoto qaabkii hore ee ay xildhibaanada baarlamaanku madaxweynaha dooran jireen.


Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya