4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 24, 2013
Jahawareer dhinaca sarifka doollarka ah oo ka taagan suuqa magaalada Baladweyne
Arbaco, July, 24, 2013(HOL)—Jawareer dhinac sarifka doolarka ah ayaa sacaadihii ugu danbeeyay ka taagnaa suuqa magaalada Baladweyne kadib markii uu siweyn sare ugu kacay doolar marka lagu badalanayo Shilin Soomaaliga.

Suuqa magaalada Baladweyne ayaa maanta $100 doolar lagu kala sarifanayay lacag dhan [2,850.000] oo shiln Soomaali ah, halka labo cisho ka hor uu ka ahaa $ 100 doolar suuqa magaalada Baladweyne [2, 400, 000] oo shilin Soomaali ah, taasoo muujineysa farqiga ballaaran ee uu sameeyay doolarka marka laga hadllayo marka lagu sarifanayo Shilin Soomaaliga.

Arintan ayaa ku keentay suuqa magaalada Baladweyne maanta in uu ganacsigu istaago, islamarkaana dad kooban oo isku soo baxay rabashado ka sameeyaan dariiqyada magaalada, inkastoo markii danbe dadkaas ay iskood u kala tageen.

Sariflayaasha suuqa magaalada Baladweyne oo qaarkood la hadllay HOL ayaa sheegay in isbadalka ku yimid sarifka lacagta doolarka ay sabab u yihiin lacagaha been abuurka ee dhinaca gobollada dhexe ka soo gallaya magaalada, iyaga oo sheegay in haddii uusan maamulku wax ka qaban lacagahaas sariflayaashu awood badan u laheyn in ay wax ka badallaan sida hadda uu qiimuhu yahay ama lagu kala badallanayo doolarka iyo Shilin Soomaaliga.

Ganacsatada qaarkood ayaa sheegay in haddii ay sidan arrimuhu ku sii socdaan ganacsigooda ku iibsan doonaan oo kaliya lacagta doolarka iyaga oo iska diidi doona Shilin Soomaaliga.

Laakiin waxaa jirta dood kale oo ay qabaan ganacsatada qaarkood oo sheegay in lacagta hadda laga cabanayo ee suuqa taalla tahay tan kale ee hadda la isticmaalo, sidaa daraadeed looga baahan yahay maamulka lacag badalli karta haddii suuqa laga saarayo.

Isbadalka ku yimid lacagta doolarka ayaa wal wal weyn ku ah dadka danyarta ah ee muruq-maalka ah oo sheegay mar kasta oo sare uu u kaco doolarka qiimaha lagu kala iibsado maciishadana ay korarto, taasoo marka danbe saameyn ku yeellaneysa nolashooda, madaama lacagaha yar oo ay suuqa ka shaqeystaan waxba u goyn karin.

Maamulka gobolka Hiiraan ayaa marar badan sheegay in aan la ogolaan doonin lacagaha been abuurka  ee soo galla magaalada taasoo laga keeno degmada Cadaado, laakiin waxaa muuqata in ilaa iyo waqtigan aan la xakameyn qul qulka lacagta oo si xoog leh u soo gasha magaalada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya.