4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 24, 2013
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH: “Shirka Brussels Waxaan ka Sugeynaa in uu xasillinta iyo horumarka dalka Qayb weyn ka qaato.”


Arbaco, July 24, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta ka qaybgalay shir beesha caalamka ku yeesheen maanta Muqdisho kaasoo looga hadlayay shirka 16-ka September ka dhici doona magaalada Brussels ee looga halayo arrimaha Soomaaliya.

Shirkan ayaa waxaa kasoo qeybgalay wasiirka maaliyadda, Maxamud Xasan Suleymaan, Nick Westcott oo ah agaasimaha guud ee Midowga Yurub u qaabilsan Midowga Yurub, Marcus Cornaro oo ah ku-xigeenka agaasimaha guud ee xiriirka iyo horumarka ee Midowga Yurub, ergayga QM ee arrimaha Soomaaliya, ergeyga gaarka ee Midowga Afrika, safiirka Midowga Yurub iyo safiirro kale iyo bulshada rayidka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay shirka isla markaana warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa yiri: “Waxaan shirka Brussels ka sugeynaa inuu xasilinta iyo horumarka dalka qayb-weyn ka qaato.”

Madaxweynaha ayaa sheegay in shira Brussels rajo weyn laga qabo ayna dowladdu isku diiyaarisay, waxuuna yiri: “Dowladdu juhdi badan bay galisay shirkan oo loo xil-saaray guddi farsamo oo la-tashiyo kala duwan la wada bulshada Soomaaliyeed qaybaheeda kala duwan, si loo helo baahiyaha kala duwan si dalka uu u noqdo mid horumar joogta ah ka sameeya gaar ahaan dhinaca xasilinta, amniga iyo siyaasadda. Rajo weyn baan ka qabnaa shirkan bacdamaa ay Midowga Yurub iyo Soomaaliyaba ay si wadajir ah uga wada-shaqeynayaan sidii uu shirkan u noqon lahaa mid guuleysta.”

Madaxweynaha ayaa khudbadiisa ku sheegay in dukumentiga la diyaarinayo uu yahay mid laga wada qaybgaliyay dhammaan bulshada isagoo hadalkiisa ku yiri: “Dukumiintiga COMPACT ee la diyaarinayo waa mid lagala tashtay bulshada rayidka ah, maamulada dalka ka jira oo dhan iyo khubaro ku takhasustay diyaarinta dukumentiyada. Dhammaan mashaariicda aan dooneyno in dalka laga hirgeliyo waxay noqonyaan kuwo laga fuliyo dhammaan dalka oo dhan.”

Sidoo kale, madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay Midowga Yurub iyo beesha caalamka sida ay uga go’an tahay in Soomaaliya ay noqoto dal nabad ay ka jirto oo horumar ballaaran gaara.

“Aad iyo aad baan uga mahad-celineynaa EU iyo beesha caalamka sida ay ugu go’an tahay inay u taageeraan Soomaaliya, shirka Brussels waa mid ay dowladda Soomaaliya la shir-guddoomineyso Midowga Yurub, kaasoo ay hordhigi doonto dowladdu dukumintiga (COMPACT) oo si wanaagsan loo diyaariyay kana turjumaya baahida mashaariicda dib loogu dhisi karo dalka oo dhan. Waa fursad qaali ah oo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ay ka wada faa’iideysan doonaan, shaqana u abuuri doono dhallinyarada Somalia isla markaana xasilintooda iyo degennaanshaha dalka qaybweyn ka qaadan doona.”








 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya