4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 24, 2013
Xildhibaannada Baarlamanka Soomaaliya oo ansixiyay heshiiska CONTINOU oo horay ay saxiixday Dowladda Soomaaliya

Arbaco, July 24, 2013 (HOL) — Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay heshiiska CONTINOU oo ay horay u saxiixday dowladda Soomaaliya, kaasoo ay u soo gudbisay wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya.

Kulanka baarlamaanka Soomaaliya ayaa soo xaadiray 169-mudane, iyadoo warbixin ku saabsan heshiiskan uu xildhibaanada u akhriyay xoghayaha guddiga baarlamaanka u qaabilsan arrimaha dibadda, kaasoo sheegay in heshiiskan uu yahay mid aan waxba u dhimayn madaxbannaanida Somalia.

“Heshiiskan waa mid ku yimid wadatashi lala yeeshay dalalka ku jira iyo inuu yahay mid faa’iido u leh Soomaaliya, waxaana la ogaaday inuusan ahayn mid wax u dhimaya madaxbannaanida Soomaaliya, dowladduna markaas ayay saxiixday” ayuu yiri xoghayaha.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in heshiiskan ay horay uga mid ahayd dowladda Soomaaliya, balse xilliyadii dagaallada sokeeye ay meesha ka baxday ka mid ahaanshihii Soomaaliya ee heshiiskan, sannadkanna dib lo soo cusboonaysiiyay.

Akhrinta kaddib ayaa guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha baarlamaanka Soomaaliya, Mahad Cabdalla Cawad uu xildhibaanada ka dalbaday in cod la geliyo, iyadoo xildihbaannadu ay cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen heshiiskan.

“Xildhibaannadii kulanka soo xaadiray oo tiradoodu ahayd 169 mudane way ansixiyeen heshiiskan, ma jirto cid diidday iyo cid ka aamustay, sidaa daraadeed heshiiskan waa ansax wixii maanta ka dambeeya waana lagu dhaqmi karaa,” ayuu yiri Cawad.

Heshiiskan ayaa ah mid u dhexeeya dalalka Afrika, kuwa Midowga Yurub iyo dalalka ku teedsan badda baasifikada iyo kariibiyaanka, iyadoo madaxda dowladda Soomaaliya ay kal hore sheegeen in heshiiskan qayb ka qaadanayo dib u dhiska Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya