4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 24, 2013
Ganacsade Soomaaliyeed oo Xalay Lagu Dilay Dukaan uu ku lahaa duleedka Magaalada Cape Town ee Koonfur Afrika

Arbaco, July 24, 2013 (HOL) — Ganacsadihii saddexaad ee todobadkan lagu dilo dalka Koonfur Afrika ayaa xalay lagu dilay duleedka magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika, kaddib markii lagu weeraray dukaan uu halkaas ku lahaa.

Ganacsadaha la dilay oo lagu magacaabi jiray C/qaadir Axmed-dey Cali ayaa waxaa lagu weeraray dukaankiisa kaddib afarkii xalay, waxaana dilkiisa loo adeegaday rasaas sida uu sheegay ruux ay ehel yihiin oo ku sugan Koonfur Afrika.

“Marxuumka waxaa ku weeraray dukaankiisa saddex nin oo hubeysan, isla goobta ayayna ku dileen, iyagoo qaatay lacago dukaanka yaalay iyo qalab kale oo fudud,” ayuu yiri ganacsade kale oo ay ehel ahaayeen ganacsadaha la dilay.

Ganacsadahan ayaa wuxuu ka dhigayaa qofkii saddexaad oo toddobaadkan oo keliya lagu dilo gudaha dalka Koonfur Afirka, iyadoo habeen hore la dilay ganacsade Soomaaliyeed kaddib markii lagu weeraray dukaankiisa, kaasoo la aasay shalay.

Dilalka loo geysanayo ganacastada Soomaalida ee ku nool dalka Koonfur Afrika ayaa u muuqda kuwo soo kordhaya, iyadoo xukuumadaha Somalia iyo Koonfur Afrika ay dhawaan kala saxiixdeen heshiis ku saabsan ciidamada ay uga howlgeli lahaayeen goobaha ay dilalka ka geystaan kooxaha burcadda ah si loo yareeyo dhibaatooyinka loo geysto ganacsatada Soomaalida ah.

Dhawaan ayay ahayd markii safiirkii Soomaaliya ee Koonfur Afrika uu si lama filaan ah ugu geeriyooday isbitaal ku yaalla xarunta dalkaas, kaddib markii uu lasoo darsay xanuun deg-deg ah.

Safiirka oo ahaa midkii ugu horreeyay ee Soomaaliya ay u dirasato dalkaas ayaa wuxuu si aad ah uga shaqeyn jiray sidii loo yareyn lahaa dhibaatada loo geysto Soomaalida ku nool dalka Koonfur Afrika.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya