4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 24, 2013
DANJIRE NICHOLAS KAY: “Awooddii Al-shabaab hoos ayaa loo dhigay, balse weli waa koox khatar ku ah amniga Soomaaliya”


Arbaco, July 24, 2013 (HOL) — Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, danjire Nicholas Kay ayaa sheegay in awooddii Al-shabaab hoos loo dhigay, balse ay weli tahay khatar muuqata oo Somalia ka jirta.

Nicholas Kay oo bishii lasoo dhaafay la wareegay xilka Qarmada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya ayaa sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay guulo waaweyn ka gaareen dagaalkii ay la galeen kooxda Al-shabaab oo uu ku tilmaamay koox xag-jir ah.

“Awoodda Al-shabaab inay hoos u dhacday waxaa caddeyn ah hoggaamiye sare oo ka tirsan kooxdan ayaa ku jira xabsiga dowladda Soomaaliya, taas waxay caddeyn u tahay in kooxdan ay kala qaybsan tahay awood ahaanna ay hoos u dhacday,” ayuu yiri Kay.

Sidoo kale, ergaygu wuxuu hadalkiisa ku daray in isi soo dhiibidda Sheekh Xasan Daahir Aweys ay tusaale u tahay kala jabka kooxda, isagoo intaas ku daray in kooxdan ay weli awood u leedahay inay weerarro ka geysato magaalada Muqdisho.

“Isi soo dhiibidda Sheekh Xasan Daahir waxay muujinaysaa cadaadis ka jira gudaha Al-shabaab. Laakiinse weerarradii ay bilihii ugu dambeeyay geysatay Al-shabaab waa kuwo muujinaya inay weli tahay koox awood leh,” ayuu yiri eragaya oo la hadlayay shabakadda African Report.

Khabiir u dhashay dalka Mareykanka oo lagu magacaabo, Ken Menkhaus ayaa sheegay in kooxda Al-shabaab ay aqoon durugsan u leedahay marka la eego taariikhihii soo maray inay dib isku abaabusho, taasna ay tahay midda sababtay inay heerkan soo gaaraan.

“Al-shabaab waxay awood u leedahay inay dib isku abaabusho oo ay ciidan ahaa dib isku dhisto, taasina waa mid keeni karta inay dhibaato ka geysato Soomaaliya,” ayuu yiri Menkhaus.

Xarakada Al-shabaab oo horay u sheegtay inay ugu biirtay Al-Qaacida ayaa waxaa lasoo gudboonaaday dib u dhac weyn tan iyo markii Mareykanka uu dowladda Soomaaliya u aqoonsaday sannadkii hore uuna u ballanqaaday lacago deeq ah.

Laakiinse weerarro kala duwan oo ay ka mid yihiin kuwo isugu jira bambooyin iyo qaraxyo ismiidaamin ah ay muujinayaan in kooxdan ay weli tahay mid nool oo weerarro geysan karta.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya