4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 24, 2013
Madaxweynaha Dowladda Somalia oo sheegay in Dowladdiisu ay diyaarisay kumannaan ciidammo ah muddadii ay jirtay

Arbaco, July 24, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay kulan kula yeeshay xarunta madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegay in dowladdiisu ay muddadii ay jirtay ay diyaarisay ciidammo gaaraya 5,000 oo askari oo loogu talogalay sugidda ammaanka dalka.

Xasan Sheekh wuxuu sheegay in dowladdiisu ay qabatay wixii ay kari kartay tan iyo markii ay xafiiska la wareegtay, ayna qabanayso wax walba oo ay haaban karto, isagoo xusay inay ku dhaqmi doonaan shuruucda dalka u taalla.

“Dowladda Soomaaliya intii ay jirtay waxay diyaarisay 5,000 oo askari oo saraakiil Soomaali ah ay tababarro siiyeen, dowladda ayaana ku biisha xeryo ay ku jiraan, waayo ma haystaan hub ay ku howlgalaan,” ayuu Xasan Shiikh ku sheegay hadal uu odayaashii uu xalay la kulay.

Madaxweynuhu wuxuu sidoo kale sheegay in dowladdu ay u iibisay askarta gaadiidkii ay u baahnaayeen, ayna markii loo hub howlgeli doonaan, isagoo sheegay in sidoo kale ay dowladdu isku diyaarinayso wax ka qabashada amniga guud ee dalka.

Sidoo kale, madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu ka jawaabay su’aalo dhowr ah oo ay weydiiyeen odayaashii uu la kulmay, kuwaasoo ay ku jireen dhismaha maamul goboleedyada, isagoo sheegay in dhismaha maamul goboleed ay yihiin kuwo shuruuc kala duwan maraya.

“Dhismaha maamul goboleedyada waa kuwo maraya shuruuc kala duwan, mana ahan kuwo ku imaanaya mid aan anigu jeclahay ama qof kale uu jecel, yahay, balse waa kuwo ku imaanaya sharciyo, waxaana dhawaan la ansixiyay sharciga dhismaha maamul-goboleedyada dalka, waxanaa keliya ee ka dhimanna waa saxiixa madaxweynaha,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Isagoo dhismaha maamul-goboleedyada ka hadlayay ayuu sheegay inay ka shaqeynayaan sidii maamul goboleedyada dalka ay u noqon lahaayeen kuwo awood leh, halka dowaldihii hore ee dalka ka jiray ay awoodda inteeda badan lahayd dowladda dhexe.

Waxgaradkii iyo odayaashii kulanka la qaatay madaxweynaha ayaa waxay weydiiyeen su’aalo kala duwan oo ku saabsan habka ay dowladdu u shaqeyso, waxaana qaarkood ay dhaliil u jeediyeen dowladda, kuwaasoo uu ka jawaabay madaxweynaha.

“Ma ahan idinka oo keliya inaad wax nooga baahan tihiin, laakiin waxaan idin kaga baahannahay ayaa ka weyn, waxaana ku talinayaa in la sameeyo gole odayaal ah oo isku xira dowladda iyo odayaasha si loo kala warqaato,” ayuu kusoo gabagabeeyay hadalkiisa.

Kulankan oo ahaa kii ugu horreeyay noociisa oo dhexmara madaxweynaha iyo odayaasha dhaqanka Somaaliyeed ayaa waxaa soo qabanqaabiyay maamulka gobolka Banaadir, wuxuuna ahaa mid afur ah.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya